Beelweynta Degmada Dacarta Oo Taageero Ballaadhan U Muujisay Xisbiga Kulmiye

Hargeysa(Aftahannews)-Beelweynta Axmed Sheekh Isaaq (TOLJECLE) oo ku dhaqan degmada Dacarta ee gobolka Maroodi-jeex iyo deegaanno badan oo gobollada Somaliland ah, ayaa taageero ballaadhan u muujisay xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

 

Munaasibadda ay waxgaradka, aqoonyahanka, cuqaasha, salaadiinta, siyaasiyiinta, xildhibaannada, haweenka iyo dhallinyarada beeshani ku shaacinayeen taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE oo maanta lagu qabtay Huteel Crown ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno katirsan saraakiisha xisbiga, xildhibaanno, wasiirrada wasaaradaha waxbarashada iyo Hawlaha guud Md. Cabdilaahi Ibraahim Habbane iyo Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), wasiiru-dawlaha wasaaradda macdanta Md. Yuusuf Cismaan Garas, xildhibaanno, Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), siyaasiyiin, suldaanka guud ee beesha Axmed Sheekh Isaxaaq Suldaan Axmed Daahir, haween, waxgarad iyo taageerayaal tiro badan oo kasoo jeeda beeshan.

Ugu horrayn xubno kamid ah waxgaradka iyo talo qabeenka beeshan oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay beel ahaan si midaysan isugu waafaqeen inay taageeraan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, isla markaana ay ka mabsuudsan yihiin waxqabadka xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay deegaannada ay beeshani degto.
Xildhibaanno golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa kamid ah oo uu kamid yahay xildhibaan Xasan Shahar oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey taageerada ay beeshani u muujisay xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana ay ku ballan qaadeen inay ka shaqayn doonaan horumarinta degmada Dacarta oo kamid ah degmooyinka ugu da’da yar dalka.

Siyaasi Maxamed Daahir Maxamed oo kamid ah aqoonyahanka Beesha Axmed Sheekh Isaxaaq, ayaa si hufan u sharraxay asbaabaha keenay inay beeshu taageerto KULMIYE, waxana uu xusay inay hoggaanka habboon ee xisbiga hoggaaminaya iyo jihada saxda ah ee xisbigu haysto ku qanacsan yihiin.
Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo kamid ah mudaneyaasha aqalka wakiillada Somaliland iyo wasiiru-dawlaha wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md. Yuusuf Cismaan Garas oo iyaguna hadallo kooban madasha ka jeediyey, ayaa caddeeyey in beesha Axmed Sheekh Isaxaaq horeba u ahayd xisbiga KULMIYE, islamarkaana ay heegan ugu jirto inay kaalin muuqata ka qaadato guusha la rajaynayo inuu xisbiga KULMIYE kasoo hoyn doono doorashada madaxtooyada ee dalka kusoo foolka leh.

Wasiirada wasaaradaha Hawlaha, Gaadiidka iyo Guryeynta Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan) iyo Waxbarashada Md. Cabdilaahi Ibraahim Habbane, ayaa iyaguna bogaadiyey go’aanka ay beeshu ku muujisay taageerada ay KULMIYE u hayso, waxana ay ku dhiirrigeliyeen inay gacmaha isu qabsadaan sidii uu KULMIYE mar labaad talada dalka ugu guulaysan lahaa.

Suldaanka guud ee beesha Axmed Sheekh Isaxaaq Suldaan Axmed Daahir oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey madasha ay beeshani ku shaacinaysay taageerada ay KULMIYE u hayso, ayaa tilmaamay inay beel ahaan kamid yihiin aasaasayaashii KULMIYE, islamarkaana aanay ku cusbayn taageeradooda, balse ay adkaynayaan inay cudud u noqon doonaan murrashaxiinta xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo isagu soo gunaanaday madasha ay beeshani ku muujinaysay taageerada ay KULMIYE u hayso, ayaa ku dheeraaday taariikhda ay beeshani leedahay, waxana uu ka digay in ololaha doorashooyinka ee la rajaynayo inuu dhawaan bilaabmaa khalkhal geliyo ammaanka iyo deggenaanshaha, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Dhallinyarada waxan leeyahay haddii aad doonaysaan mustaqbal wanaagsan iyo in wax laga qabto dhibaatooyinka jira, idinku dhibaato ha abuurina, xisbiyada tartamayaana inay dalka wax u taraan bay doonayaane raalli kama nihin in la is tuur tuuro, qaar calamada xisbiyada qaata oo buuqa, gabdho iyo wiilal intay baabuurta fuulaan luqunta kala soo baxa oo khatar is geliya, waana in la joojiyaa, Ololaha haddi aynu si islaamnimo leh oo anshax leh u bilowno dawladda dhalan doontaana sidaas oo kale ayey u dhaqmi doontaa.”