Khasaaraha ka dhashay Muslimiin Salaaddii Ciidda ka soo baxey oo Gaadhi lagu Jiidhsiiyey Ingiriiska

MUSLIMIIN SALAADDII CIIDAL-FIDRIGA KA SOO DAREERAY OO GAADHI LAGU JIIDHSIIYEY BRITAIN 25 JUNE 2017

Newcastle(Aftahannews):- Ugu yaraan Lix Ruux oo ay ku jiraan Saddex Carruur ah, ayaa dhaawacmay, ka dib markii Gaadhi la jiidhsiiyey Dad badan oo ka soo baxayey Garoon ku yaal magaalada Newcastle ee dalka Ingiriiska oo ay ku soo Tukadeen Salaaddii Ciidal-fidriga ee Axaddii Maanta Dunida Islaamka iyo Dalalka Caalamka in badan oo ka tirsan-ba Muslimiintu ka oogeen.

MUSLIMIIN SALAADDII CIIDAL-FIDRIGA KA SOO DAREERAY OO GAADHI LAGU JIIDHSIIYEY BRITAIN 25 JUNE 2017
MUSLIMIIN SALAADDII CIIDAL-FIDRIGA KA SOO DAREERAY OO GAADHI LAGU JIIDHSIIYEY BRITAIN 25 JUNE 2017

Shilkani wuxu dhacay qiyaastii 09:14 subaxnimo saacadda London waxaanay goobta dadka baabuurku ku jiidhay tahay garoonka Westgate oo ay ka soo dareereen salaaddii Ciidda oo ay halkaa ku tukadeen ka dib.

Caruurta dhaawacmay midkood ayaa la sheegayaa in dhaawa gaadhay culusyahay. Booliska Northumbria ayaa sheegay in shilkaas aan loo malaynayn inuu wax xidhiidh la leeyahay argagixisonimo. Booliska ayaa sheegay in ay haweenay 42 jir xidheen oo ay gacanta ku hayaan.

Qof goob-joog ahaa ayaa BBC-da u sheegay in haweenayd waday baabuurku ay xakamayn kari wayday gaadhiga, taasina ay tahay sababta shilka dadku ku dhaawacmeen keentay. Boqolaal qof ayaa goobtaa iskugu yimid si ay ugu oogaan salaadda Ciidda Soonfureed oo ay Muslimiintu u dabaal dagaan dhamaadka bisha Ramadaan.

Xigasho BBCSomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.