Faysal Cali Waraabe oo Sir uu Helay Qarxiyey, Kuna Baaqay in Somaliland Xadkeeda ka Xidhato Itoobiya

GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE OO KU BAAQAY INAY SOMALILAND XADKEEDA KA XIDHATO ITOOBIYA 24 JUNE 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si dareen leh uga hadlay Xaaladda Dalka iyo Qorsheyaal uu sheegay in Dawladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ku go’doominayaan Somaliland.

GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE OO KU BAAQAY INAY SOMALILAND XADKEEDA KA XIDHATO ITOOBIYA 24 JUNE 2017
GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE OO KU BAAQAY INAY SOMALILAND XADKEEDA KA XIDHATO ITOOBIYA 24 JUNE 2017

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey Madal lagu Guddoonsiiyey Abaal-marin ay siiyeen Urur Dhallinyaro oo ay leeyihiin Dhalinyarada gobolka Selel, ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirradii Xukuumaddu dalka ka wada baxeen, sida Wasiirkii Caafimaadka oo uu sheegay inuu Maraykanka u dhoofay Xilli uu dalka ka jiro Cudurka Shuban-biyoodku.

“Wasiirradii oo dhami way wada tageen, kuwa WADDANI waxa Cumrada ka bixiyey Soomaaliya, waxayna ku tageen Shan iyo Soddon Qof oo (Xisbiga WADDANI ah).” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID, waxaanu intaa ku daray “Wasiirkii Caafimaadku Shubankii oo socda ayuu Maraykanka iska tagay, Cid xukumaysa Cid kale ma jirto, ma sidaas ayaa Dawlad lagu noqdaa, Madaxweynoow waan tagayaa ee I fasax ma jirto, Doorashadaa Maanta haddaynu tashan wayno Lixdankii baad ka cabanayseen, ee idinkoo ka xun ayay Wallo-weyn idin qabsan doontaa.”

Guddoomiyaha UCID wuxuu ka digay Shirqoollo uu sheegay inay Somaliland u soo maleegayaan Itoobiya iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi; “Waxa socda Shirqool Muqdisho illaa Badda Cas ah, Xoolaheennii waa laga joojiyey Xuduudka (Itoobiya), Baayac-mushtarkiina waa laga joojiyey inay galaan meeshaa (Itoobiya), meel inoo fayow ma jirto, waa la isku keen xeeray.”

Waxaanu Faysal oo hadalkiisa sii watay intaa raaciyey; “Maalin kasta waxa Dalkeenna soo gala Boqol Qof oo Itoobiyaan ah iyo in ka badan, Safaaraddooduna waxay Maalintii Fiiso siisaa Toban Qof oo (Reer Somaliland ah) markaa waa in Tobankaa Tobankoodu soo galaan Somaliland, sow Xoolaheenna Xadka kamay xidhan, innaguna waa inaynu Xadka ka xidhnaa, Jaadka ka joojinnaa, Khudraddana ka joojinaa, bal waa Cidda dhamata’e, Somaliland waa Dalka Afraad ee ay dhaqaalaha ugu badan ka hesho Itoobiya.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.