Baarlamanka Soomaaliya oo Kashifay Fadeexad lama filaan ah & Khiyaamo Qaran oo uu ku kacay Madaxweyne Farmaajo

MADAXWEYNAHA FEDERAALKA SOOMAALIYA MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Kashifay, isla markaana Shaaca ka qaaday Khiyaamo Qaran oo lagu burburinayo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya oo uu ku kacay Madaxweynaha Federaalka Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, khiyaanada oo qorsheheeda la isla gartay.

MADAXWEYNAHA FEDERAALKA SOOMAALIYA MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO 2017
MADAXWEYNAHA FEDERAALKA SOOMAALIYA MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO 2017

Khiyaamadaas Qaran ee qorsheheeda la isla meel-dhigay, lagagana wadahadlay Shirar kala duwan oo Soomaaliya, Nairobi, Tanzania iyo Itoobiya ka qabsoomay, lana sheegay inuu yahay qorshuhu mid dawladaha Ingiriiska, Itoobiya iyo Kenya si weyn dabada uga riixayaan, isla markaana la doonayo in lagu hirgeliyo Shirka London loogu qabanayo Soomaaliya 11-ka bisha May 2017-ka ee foodda innagu soo haysa. Waxaanay arrintani noqonaysaa Fadeexad aan laga filayn Farmaajo, balse hadda dul-hoganaysa.

Ciidammada Qalabka sida ee Federaalka Soomaaliya oo hadda la sheegay inay tiradoodu ka badan tahay Soddon Kun oo Askari oo tabobbarro iyo Qalabkoodiiba qaba, ayaa qorshahan hadda socda lagu doonayaa in lagaga dhigo 18,000 (Siddeed iyo Toban Kun) oo Askari oo keli ah guud ahaan, kuwaas oo ka kala iman doona Maamul-goboleedyada Soomaaliya, sida lagu sheegay Shir dhawaan ay Muqdisho ku yeesheen Madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxweyneyaasha Maamul-goboleedyada Soomaaliya oo uu Farmaajo Shir-guddoominayey, lagagana dhawaaqay in la sameeyey Golaha Ammaanka Qaranka oo uu Guddoomiye ama hoggaamiye u noqonayo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa arrintan si rasmi ah u fashilay, isla markaana Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya soo hor-dhigay Xildhibaanno ka tirsan Golahaas, kuwaas oo 26-kii bishan Fadhigii uu Goluhu yeeshay kaga hadlay baadhitaanno iyo dabagal ay sameeyeen oo ay Xogo rasmi ah arrimahaas kaga heleen, iyaga oo Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha ka dalbaday inaan Kalfadhiga la xidhin inta Goluhu u yeedhayo Madaxweynaha, Raysal-wasaaraha iyo Masuuliyiinta Gaashaandhigga iyo Hay’adaha Amniga Soomaaliya; si ay Su’aalo uga weydiiyaan qorshahaas oo ay ku tilmaameen mid Baarlamaanka laga qarinayo, laguna afgembiyayo Madax-bannaanida Soomaaliya. Kaga Bogo Muuqaallada Hoose Xogahaas Xildhibaannada iyo Waraysiga ka hooseeya-ba.

Doodda iyo Dalabka Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka jeediyeen Golaha

Waraysi Xasaasi ah oo uu Xildhibaan Mahad ku kashifay Xogo kale oo Khiyaanada Qaran ee Farmaajo iyo Madaxda Maamul-goboleedyada Muujinaysa iyo go’aannada Mijo-xaabinta Ciidammada Qaranka Soomaaliyeed, Hoos ka daawo:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.