“Muuse Biixi Maddarasadda Siilaanyo 30 Sano ayuu ku jiraa, Anigu 10 Sano ayaan ku jiray, waanan ka Qalin-jebiyey oo ..” Xirsi

XIRSI OO SHEEGAY IN MUUSE BIIXI MADDARASADDA SIILAANYO SODDON SANO KU JIRO ISNA TOBAN SANO KAGA QALIN-JEBIYEY 27 APRIL 2017

“Aniga iyo Muuse isku Maddarasad baannu ahayne maan filayn intayadii Isku Maddarasadda ahayd inay yidhaahdaan; ‘Madaxweynaha Awooddiisii bay cid kale ku shaqaysanaysaa’ Dadka kalaa nagu odhan jiraye, Muusoow Anigu Madaxweynihii ka tegey haddii Beryo laygu xamanayey agtiisee, Baawarka Laftiisii Adigu ku shaqayso..” Hoggaamiyaha Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan

XIRSI OO SHEEGAY IN MUUSE BIIXI MADDARASADDA SIILAANYO SODDON SANO KU JIRO ISNA TOBAN SANO KAGA QALIN-JEBIYEY 27 APRIL 2017
XIRSI OO SHEEGAY IN MUUSE BIIXI MADDARASADDA SIILAANYO SODDON SANO KU JIRO ISNA TOBAN SANO KAGA QALIN-JEBIYEY 27 APRIL 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa naqdiyey hadallo uu yidhi Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Arbacadii Shalay si kulul u dhalliilay Xirsi oo uu ka daba socday hadallo uu Maalmihii Salaasadii jeediyey.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo si Kaftana uga jawaabaya, una naqdiyaya dhalliilihii Muuse Biixi u jeediyey, waxaanu sheegay inay Xirsi ahaan iyo Muuse isku Maddarasad ahaayeen oo ay isku soo gaadheen Maddarasadda Madaxweyne Siilaanyo ee Siyaasadda, isla markaana uu Muuse-na 30 sano ku jiro, Xirsi ahaanna uu 10 sano ku jiray, balse uu ka qalin-jebiyey oo uu hadda Maddarasad kale Macallin ka yahay.

“Maddarasadaha waa la isku soo gaadhaa, Muuse Maddarasadda 30 sano ayuu Maddarasadda Siilaanyo ku jiray, Aniguna toban sannadood baan ku jiray. Laakiin, waan ka qalin-jebiyey oo meel kalaa la ii diray oo aan Macallin ka ahay. Odhan maayo wuu ku Saaqiday ee Qur’aankaa ku yara adkaadayoo weli wuu ku jiraa, Anigu-se Qalin-jebiyaye aan isu soo ducayno (Muusoow).” Sidaa ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi.

Haddaba, Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo arrimahaas iyo kuwo kale-ba, kaga hadlay Khudbad uu Khamiistii Maanta ka jeediyey Munaasibad lagu shaaciyey bilawga Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta ee gobolka Awdal oo lagu qabtay magaalada Boorama, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.