Tirada Weriyeyaal iyo Masuuliyiin Warbaahineed ee Toddobaad gudihii lagu Xidhay Somaliland & Dhinacyada Ka Hadlay

Tirada Weriyeyaal Iyo Masuuliyiin Warbaahineed ee Toddobaad Gudihii lagu Xidhay Somaliland iyo Dhinacyada Ka Hadlay

Hargeysa(Aftahannews):- Tan iyo Toddobaadkii hore Tiraba Lix Ruux oo isugu jira Weriyeyaal, Masuuliyiin iyo Mulkiilayaal Warbaahineed, ayaa siyaabo kala duwan loogu xidhay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, inkasta oo la sii daayey Afar ka tirsan oo kala ahaa laba Weriye oo Berbera lagu xidhay, Mulkiilaha iyo Wakiilka Somaliland u jooga Universal TV, haddana waxa xidhan Agaasimaha Star TV Maxamed-Baashe Xaaji Xasan iyo Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka tirsan Saab TV.

Tirada Weriyeyaal Iyo Masuuliyiin Warbaahineed ee Toddobaad Gudihii lagu Xidhay Somaliland iyo Dhinacyada Ka Hadlay
Tirada Weriyeyaal Iyo Masuuliyiin Warbaahineed ee Toddobaad Gudihii lagu Xidhay Somaliland iyo Dhinacyada Ka Hadlay 2017

Maxamed-Baashe Xaaji Xasan, ayaa Habeen-hore Ciidammo Boolis ahi ka qabteen Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo uu kaga qaybgalay Xaflad lagu xusayey 35-guurada ka soo wareegtay Dhagax-tuurkii Dhalinyarada Somaliland ka bilaabeen Hargeysa 20-kii Febraayo 1982-kii ee ay kaga soo horjeedeen Taliskii Millateriga ahaa ee Soomaaliya, taas oo 20-ka Febraayo loo aqoonsaday Maalinta Dhalinyarada Somaliland, Xafladaas oo isaga iyo Xubno kale oo khudbado ka jeediyey kaga hadleen marxaladdii maalintaas iyo maanta halka marayo, lamana garanayo Saldhigga ama Goobta rasmiga ah ee lagu xidhay Maxamed-Baashe, sida uu sheegay Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda ee SOLJA.

Haddaba, Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa xadhigga Maxamed-Baashe ka hadlay, isla markaana ku eedeeyey inuu fal-dembiyeed gacanta kula jiray markii ay Boolisku xidheen. “Ciidanka Boolisku waxay xidheen eedeysane Maxamed-Baashe Xaaji Xasan oo ah Agaasimaha Star TV, kaasoo lagu eedeynayo inuu ku kacay falal ah kicin Dadweyne, khalkhal-gelin Amni, isla markaana ka baxay mihnaddii Saxaafadda, ka dib markii uu ka hor yimid Mashruucii Saldhigga Madaarka Berbera ee labada Gole Qaran cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo shalay Saxaafadda qaarkeed kula hadlay Hargeysa.

Waxaanu Faysal Xiis oo hadalkiisa sii watay intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Eedeysane Maxamed-Baashe wuxuu qaban-qaabinayeyy Shir lagu qaybinayey Waraaqo lagu kicinayey Dadweynaha, waanu xidhan yahay, may ahayn inuu galo wax aan Shaqadiisa ahayn, markaa dembi ciqaabeed ayuu galay, si deg-deg ahna waxa loo hor-geynayaa Maxkamadda.”

Sidoo kale, Afhayeenka Booliska Somaliland oo ka hadlay Xadhigga Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo 15-kii bishan lagu xidhay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, isla markaana Wasiirka Warfaafintu eedayn culus u jeediyey, sheegayna in Dacwaddiisa Maxkamadda loo gudbiyey. “Ciidanka Boolisku waxay bishan labaad 15-keedii ay gacanta ku dhigeen eedeysane Cabdimaalik Muuse Coldoon, kaasoo lagu eeeyey inuu ka hor yimd jiritaanka Qarannimada Somalilad oo uu faafineyy Warar been ah oo aan sal iyo raad doona lahayn. Wuxuu ahaa Nin Qaran-dumis ah oo ka hor yimid Qarannimada Somaliland, waxaana marag muujin u ah oo laga arki karaa Baraha Bulshadu isku aragto marka loo baahdana waxa la hor-geyn doonaa Maxkamadda.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Boolisku.

Geesta kale, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa cambaareeyey Xadhigga Agaasimaha Star TV iyo Mulkiilaha UNIVERSAL TV Axmed Abukar iyo Wakiilka Universal TV ee Somaliland Maxamed Caabbi oo iyagana Habeenkii Isniintu soo galaysay ee toddobaadkan Ciidammada Sirdoonka Somaliland ku xidheen Hargeysa, balse uu sheegay in maalinnimadii Isniinta ee dorraad xorriyaddooda dib loogu soo celiyey.

“Xalay (habeen-hore) waxa Hargeysa lagu xidhay Agaasimaha TV-ga Star TV, dorraadna (Isniintii) waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay oo markii dambe la siidaayey Mulkiilaha UNIVERSAL TV iyo Wakiilka Somaliland u jooga. Labada dhacdaba waxaannu u aragnaa xad-gudub lagula kacay Xorriyatul-qawlka, tusaale ahaan Mulkiilaha UNIVERSAL Eng: Axmed Abubokor iyo Maxamed Xuseen Caabbi oo ah Wakiilka Somaliland u jooga TV-gaas Sirdoonka gobolka Maroodi-jeex baa xidhay, iyagoon sifo sharci ah u marin xadhiggaas, Sharciguna wuxuu dhigayaa in Maxkamad awood u leh ay Weriyeyaasha xidhi karaan, hore Sirdoonku way iska xidhaan, markii dembana way iska sii daayeen, markaa waannu cambaaraynaynaa falalka sharciga ka baxsan ee lagula kacay Weriyeyaasha.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA Maxmauud-Xuuto.

Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqda Aadamaha Somaliland ee magaalada Hargeysa Guuleed Axmed Jaamac War-Saxaafadeed uu shalay soo saaray, ayuu ku cambaareeyey Xadhigga Maxamed-baashe, waxaanu Warkaas Qoraalka ah oo Nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews u dhignaa sidatan:-

“Habeennimada 20-kii February 2017, Booliiska Somaliland waxaay xidheen Maxamed-Baashe X. Xasan oo ah Suxufi iyo Qoraa caan ah oo hadda Agaasime ka ah Telefiishanka Star. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyaddiisa u soo celiso Maxamed si aan shuruudi ku xidhnayn.

Maxamed wuxuu kaga qaybgalay Hoteelka Maansoor xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland oo la xuso 20kii February 1982 oo ahayd markii dawladdii Ciidanka ahayd ee Siyaad Barre ay gacan kulul kaga hortagtay Arday ka muddaharaaday Aqoonyahan la xidhay. Maxamed wuxuu ka mid ahaa Ardaydii ka qaybgashay muddaharaadkaas.

Xuska oo uu ka qaybgalay wuxuu Maxamed ka sheegay sida uu uga soo horjeedo qaabka loo maamulay Saldhigga Ciidan ee laga siiyay Imaaraadka Carabta magaalada Berbera. Booliisku waxay ku eedeeyeen Maxamed-Baashe kicin Dadwayne iyo khal-khalgelin Amni.

Xaruntu waxaay sida ugu adag u canbaaraynaysaa xadhigga Suxufigan caanka ah oo ah Nin ixtiraam Bulshada ka kasbaday laguna yaqaan doorkii uu ku lahaa diidmadii la diiday cabbudhintii dawladdii Ciidaanka ee Maxamed Siyaad Barre. Qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland iyo qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku waxaay damaanad qaadeen xorriyadda cabiraadda iyo hadalka.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedkaas.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka Mareegaha ee SOMA Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Jannaale), ayaa War-Saxaafadeed uu arrintaas kaga hadlay soo saaray xalay, waxaanu Nuqul ka mid ah oo Aftahannews soo gaadhay u dhignaa sidatan:- “Ururka Midowga Mareegaha Intarnet-ka ee Somaliland Online Media Association (SOMA) waxaa uu cambaareynayaa xadhiga ay xukuumaddu kula kacday Agaasimaha Telefiishanka Star TV Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo xalay oo taariikhdu tahay 20/2/2017 xabsiga loo taxaabay.

Xadhigan Suxufigan ayaa meel ka dhac ku ah Qodobka 32-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda(Xeer No. 27/2004), oo si cad u kafaala qaadaya xorriyadda qawlka iyo qoraalka.

Waxay u muuqataa inay xukuumadda Madxweyne SIILAANYO caaddeysatay xadhiga, cabudhinta, cago-jugleynta ay ku hayso suxufiyiinta hawlmaalmeedkooda gudanaya, waanan ka xumahay in suxufi aan danbi lagu heynin lagu xidho qaab aan sharciga waafaqsanayn.

Waxaan ugu baaqaya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay si degdega xorriyadoodiisa ugu soo celiso Suxufi Maxamed Baashe Xaaji Xasan, Xadhiga suxufiyiinta ee soo noqnoqday ayaanu u aragnaa inay saameyn xun ku leeyihiin madax-banaanida war-baahinta. Dawladda Somaliland waa inay joojiso xadhiga iyo cabsi gelinta ay ku hayso suxufiyiinta, isla markaana waxa ku waajib ah inay ixtiraamto Dastuurka Somaliland.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.