‘Anigoo Kaa ah Ma Aqbalayaa Kaa Ma Tihid!?’ Qalinka Cabdifataax I. Mursal

CABDIFATAAX ISMAACIIL MURSAL TIFAFTIRAHA AFTAHANNEWS

Maxaan Adduunyo kala maareeyey, khiddado fiican sallaxay, Shacabka Khudbado qurux badan u jeediyey, Hayaanka halkaan ku wado u Sawiray, Dhiillada dhexdooda demiyey, Maxaa farxad laygu soo baxay, Dadku Sacabka iyo Mashaxaradda igu soo dhaweeyeen, maxaan noloshooda iyo magacooda horumar gaadhsiiyey, Shidaal u soo saaray, Biyo u soo saaray, Shaqo-abuur u sameeyey, maxaan Jidad dhisay, Garoommo iyo Dekedo sameeyey.

CABDIFATAAX ISMAACIIL MURSAL TIFAFTIRAHA AFTAHANNEWS
CABDIFATAAX ISMAACIIL MURSAL TIFAFTIRAHA AFTAHANNEWS.COM

Maxaa hoggaamintayda la jeclaystay, Dunidu qaddarin igu soo dhawaysay, Caalamku la yaabay Dadkayga halkaan ka soo qaaday iyo halkaan gaadhsiiyey, maxaan Kartiile waxtarkiisu muuqday xil u dhiibay, dallacsiiyey oo Derajo ku tolay, maxaan Guul-wade waxma-tare ah oo ii gabbaday kododa waydaarshay, maxaan Jeelka u diray Ummadda-laga-dhex-saar khaayin ah oo xoolaha Qaranka garoocday, Maxaa Anigoo ku furaxsan guulaha aan dalkayga iyo dadkayga gaadhsiiyey iyo Jacaylka Shacabkaygu iigu hayaan dartii haakah intaan idhi Kursiga si nafis ah ugu neefsaday.

Farxad iga dhinnayd ma jirin markaan salka dhigay Kursiga ee xilka la ii dhaariyey, farxaddaa hore-se tan maantaa ka wayn, waayo maalintaa Kursigan aan ku fadhiyaa wax muu tarin, Ummadduna wejigay hadda leedahay may lahayn. Si aannu wax uga beddelno dhibaatadii jirtay, waxaan u xulay Aqoontii iyo Kartidii beddeli lahayd, Rabbi naguma xilin oo si dhakhso ah ayey Xukuumaddaydu dalka uga soo saartay Ceelkii uu ku dhacay, una gaadhsiisay horumar dhan kastaba ah. Ummaddii isku jeedday ee Xanta iyo Qabyaaladda Meheraddeedu ahayd, haatan qof qof haleelaa ma jiro, oo ruux kastaaba Shaqadiisuu ku mashquulay.

Dadkaba Camal la’aantaa is-tusaysay, isu keenaysay, xumaanta ku kellifaysay, Gun ka dhigaysay, hadda-se, waa Gob is-jecel, oo aannu Caddaalad wax ugu qaybinnay, qof kastaana kartidiisa iyo aqoontiisa, isagoon laaluush bixin, Ab kalena ku tiirsan ku meel-marayo, wuxuu dalkiisa xaq ugu lahaa ka helay, wuxuu dalkiisu xaq ugu lahaana gutay. Is-beddelka intan leegi ma suurageli kareen haddaan Illaahay nagu ilhaamin inaannu ummaddayada Majahara u qabanno oo dayaca iyo darxumada ka saarno. Haatan waxa la hayaa wax la sheego. Laakiin, shalay lama hayn wax la sheego. Haddaan hooyaa oo dadkaygu dad yihiin, haddaan laga dhigin oon Rabbi ii dirin miyey noqon lahaayeen? Maya, maya, may, Tubtaan rabay waan hayaa, Hayaankuna waa socdaa…

Anoo Kaas ah ma aqbalayaa Kaa ma tihid!? Maya Maya Maya… Ma Aqbalayo, Macquul Maaha. Maxaa Dhacay? Maxaa Is-beddelay? Waan u qaadan waayey, shaw hawaa meel fog ila tagtay, run baan u qaatay, muran iyo dood baa dhexdayda ka bilaabmay, Run iyo Been baa isku kay qabsaday, laba daran baa isu jawaabay, Ruuxdaa Hummaaggii Nafta fashilisay, wakhti dheer bay igu qaadatay inaan xaqiiqda aqbalo, garawsado inaan ahay waxaan ahaa, haddana weli kuma qanacsani oo kohashada xiisihii noloshaasi igama guurin. Hase-yeeshee, xaalkaygu wuxuu ka dhigan yahay markaa odhaahdii Soomaalida ee ahayd; ‘Laab la kacay Lugo-se kuma taagni’!

Haa/Maya! Labaduba waa jawaab, ma ihi kaa misana waan ahaa, inaan sii ahaadaan doonayey, balse mar keliya ayaa wax waliba xagga kale iska rogeen, indhahaa aan kala qaaday la iigama horreyn, markii la igu yidhi; ‘Ka joog adiga maahee, ma tihid, manaad noqon’ cajiib! Qolku waa Madoow aan jiifay, hareeraha gogosha si haab-haabad ah gacanta uga eegay Taleefankayga gacanta, helay dabeedna intaan ifiyey ayaan kacay oo u dhaqaaqay halka Qolka nalka ama laydhka laga daaro oo waan soo shiday Laydhkaan markaan seexanayey iska sii demiyey, arkay oo markaan dhinac kasta ka eegay garawsaday inaan joogo isla Qolkaygii, su’aalaha Maskaxda, is-diidsiinta nafta iyo Jawaabaha Ruuxdu intaa kala joogsi malaha. Hase-ahaatee, Xaqiiqdu hortayda timi, Dawladdii riyaduna sidaa ku burburtay.

Isku sii hay lahaydaa, iska hurud lahaydaa, Wiilasha ha furin lahaydaa, Dawlad baan sii ahaan lahaa… Sidaasaan Kursigii Riyada kaga soo dhacay, Furaashkaygii yaraana ugu soo laabtay, illeen awalba kamaan kicin ee Manaam baan Madaxweyne ku noqday, gadaal inay ka rumoomi mooyi, haatan-se Waxma-tarayaashii aan Riyada kaga xoreeyey Ummadda, ayaa Madax ah oo weli Kuraasta ku fadhiya.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com/Editor.