Soo Dhawaynta Madaxweynaha, Cukuse oo Afka Siilaanyo ku hadlay, Su’aalo lagu Garaacay & Jawaabo uu bixiyey – Daawo

SAYLICI OO SIILAANYO DIYAARADDA HOOSTEEDA KU QAABBILAY CUKUSE & MUUSE 2016

“Waad ogtahay oo Anigu waxaan ahay Afhayeen Ruug caddaa ah! Markaa, Codka aan kugula hadlayaa waa Cod rasmi ah, halkan Madaxtooyadaa la yidhaahdaa, Anigaa immika Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Xisbiga-ba Afhayeen u ah… Safarka Madaxweynahana waxaa ugu muhiimsanaa..” Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

SAYLICI OO SIILAANYO DIYAARADDA HOOSTEEDA KU QAABBILAY CUKUSE & MUUSE 2016
SAYLICI OO SIILAANYO DIYAARADDA HOOSTEEDA KU QAABBILAY CUKUSE & MUUSE 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti Xukuumaddiisa ka tirsan oo uu hoggaaminayo, ayaa Isniintii Maanta dalka ku soo laabtay ka dib markii uu soo dhammaystay Safarro lagu sheegay kuwo shaqo iyo kuwo nasasho oo uu ku soo maray waddamada Imaaraadka Carabta iyo Britain oo uu labadii toddobaad ee u dambeeyey ku maqnaa, waxaana Hargeysa loogu soo dhaweeyey si diirran.

SAYLICI OO SIILAANYO DIYAARADDA HOOSTEEDA KU QAABBILAY CUKUSE & MUUSE 2016
SAYLICI OO SIILAANYO DIYAARADDA HOOSTEEDA KU QAABBILAY CUKUSE & MUUSE 2016

Madaxweynaha iyo Weftigiisa, waxaa lagu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, Jidka isku xidha Madaarka iyo magaalada iyo weliba Qasriga Madaxtooyada, waxaana soo dhaweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka, Wasiirro, Xildhibaanno Golayaasha Baarlamaanka ka tirsan, kuwo Golaha Deegaanka Caasimadda ka tirsan, Maamulka dowladda hoose ee Hargeysa, Madax-dhaqameed, Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE, Maamulka gobolka Maroodi-jeex iyo dad ka tirsan qaybaha kala duwan ee Bulshada, Ciimmada qalabka sida Askar ka tirsan, Saraakiil iyo Taliyeyaasha Ciidammada.

Hase-yeeshee, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo kama warbixin Safarkiisa Nasashada uu London ku soo qaatay iyo Shaqada uu Dubai u sii maray toona, balse Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo sheegay inuu ku hadlayo Afka Madaxweynaha iyo Afka Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo Xubnaha Weftiga ka mid ahaa.

Waxaanu Wasiir Cukuse, si guud mar ah uga warramay Safarka Madaxweynaha iyo Weftigiisa ee dalalka Imaaraadka iyo Ingiriiska, Muhiimadda ugu jirta dalka iyo dadka Somaliland Safarradaas iyo Natiijada Safarradaas ee ay Bulshada iyo Saxaafadda u sheegayeen, ka dib markii Su’aalo arrimahaas Safarka la xidhiidha la weydiiyey Wasiir Cukuse.

Haddaba, Su’aalaha kala duwan ee la weydiiyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland iyo Xaflado la sheegay inuu Xisbiga KULMIYE ku fadeexadoobay oo lagu qabtay dalka Ingiriiska intii Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu ku sugnaayeen iyo Jawaabaha uu ka bixiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose Warbixintiisa iyo Qaabka Madaxweynaha loo soo dhaweeyey, ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.