Warancade Weedhihiisa Siyaasiga Iyo Guul-wadaynta Ha U Kala Caddeeyo Shacabka‏

Hashim Goth, Haatuf Reporter..Wasiirka Daakhilga ee Somaliland Cali Warancade oo in badan siyaasada Somaliland ka muuqday mudo aad u dheer oo ku dhaw 20 sano, mudadaasna soo maray xilal kala duwan oo uu ka qabtay wasaarado kala gedisan, ayaa dadweynaha ku nool guud ahaan Somaliland waxay aaminsanaayeen inuu yahay nin daacad ah, isla markaana waxqabad ka sameeya kolba wasaarada loo dhiibo, waxaana ka muuqan jiray wakhtiyadaasi hore wasaaradaha loo dhiibo Warancade karti iyo hufnaan uu shaqada wasaarada ku maamulo.

WarancadeSudan4

Hadaba mudadii uu xisbiga Kulmiye ka guulaystay dawladii uu wasiirka ka ahaa Warancade ee UDUB, isla markaana xisbigoodii noqday mid mucaarad ah oo uu isku dayay siyaasiga Warancade inuu qabto majaraha xisbigaa, si uu uga faa’iidaysto sumacada bulshadu u haysay ayaa waxa uu kala kulmay Saaxiibadii xagal daacin ay ku sameeyeen hankiisii siyaasadeed, isaga iyo siyaasiyiintii kale ee ay isku afkaarta ahaayeena ay ku bireen xisbiga Waddani oo ay u arkayeen mid qunyar socod ah sidii UDUB. Mudada uu ahaa mucaaradka Waddani wuxuu dhaliilaha dawlada ka abaari jiray dhinaca siyaasada khaarajiga, wuxuu warbaahinta inta badan ka sheegi jiray xogo ku saabsan dawlada Muqdisho oo heshay Hub iyo diyaarado iyo duulaan ay ku soo wado Somaliland, arintaas oo keligii uun uu ahaa siyaasiga diiradiisu qabanaysay.

Ka bacdi mudadaasi wuxuu bedelay Wasiirkii Daakhilga ee Duur oo isaga lagu Eedeeyo inuu ahaa nin xilka wasiirnimo dhaqaale inuu helo uga faa’iidaysanaya, waxa la sheegaa inuu musuqmaasuqay lacago amaanka dalka loogu talogalay.

Markii loo dhiibay Warancade wasaarada Arimaha gudaha ayay dad badan aaminsanaayeen inay wasaaradu noqon doonto mid horumarsamaysa, isla markaana ka baxda fadhiidnimadii ay ka dhaxashay wasiirkii isaga ka hereeyay, talaabadii u horaysay ee uu qaadaa waxay noqotay inuu sameeyo gaadiidka ay wataan ciidamda ilaalada nabadgalyada wadooyinka, taas oo ahayd talaabo aad loogu bogay, waxa kale oo uu sumacadiisii hore uu u lahaa warancade u keentay inuu noqdo nin nabad doon ah.

Hadaba marka laga fiiriyo dhanka kale Wasiir Warancade mudada uu xilka hayay Wasaarada Daakhilga waxa ka Abuurmay dhamaan golayaasha deegaanka caasimadaha gobolada ee waaweyn muran iyo is qabqabsi ka dhex dilaacay masuuliyiintii u saraysay magaalooyinkaasi, wasiirku wuxuu Aqoodi waayay inuu kala hagaajiyo murankan maamul ee dhexyimid golayaasha, waxaanay noqotay boog sii fidaysa oo dhawaan noqon doonta nabar weyn oo la daweyn kari waayo, lama garanayo inay tahay ku talogal dhankiisa ah iyo inay tahay khibrad la’aan amase aqoon aanu lahayn maamulka wasaaradan, Waayo waxa uu kulan kula qaatay Hargaysa shalay dhamaan madaxda caasimadaha gobolada lixda ah iyo badhasaabadooda, halkii uu kala hadli lahaa Arinta khilaafka dhexdoodu inay keeni karto burbur ku yimaad hanaankii dawladnimo salkeeda hoose, ayuu kala hadlay waxaad bilaabi doontaan waraaqaha Aqoonsiga ee muwaadinka oo uu ku celceliayay inay Ictiraafka Somaliland wax weyn ka tarayso, weedhaasi siyaasiga ah ayaa u muuqday qaar guulwadenimo oo uu sumcad kaga raadinayo M/weynaha, waayo maalmahan waxaa ka socday TVyada Afka Soomaaliga ku hadla Muqdisho oo waraaqaha Aqoonsiga dadweynaha la siinayo, Puntland oo iyadana Waraaqaha Aqoonsiga dadka la siinayo, Isna taas tu la mid ah ayuu yidhi dalka ayay ka bilaabmaysaa oo lix bilood ayay socosanaysaa, isla markaana uu ku qurxuniayay weedhi siyaasi oo uu leeyahay gooni isku taaga Somaliland ayay muhiim u tahay, Wasiirku miyaanu ogayn in bulshadu ka xog badan tahay? Sawkii odhan jiray Muqdisho cadawgeena weeyi goorma ayuu hadana dadka ka dhaadhicinayaa in Waraaqaha Aqoonsiga mar lala qaato Soomaaliya maamuladeeda? Weliba wuxuu intaas raaciyay markii uu la hadlayay madaxda gobolada iyo degmooyinka cid inaga caawinaysaa ma jirto ee 2 doolar oqfka muwaadinka ahi ha bixiyo, maxaan uga dambayn weynay lix bilood Soomaaliya hadii cid inaga caawinaysaa aanay jirin waraaqahan.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Daakhilaga waxaan odhan lahaa ha noqon mid weedhiisa siyaasadeed runta baal marsan tahay, maxaad ku qancin qofka ay u muuqato in waraaqaha Aqoonsiga laga bilaabay Muqdisho iyo Puntland bishan ee Adiguna aad tidhi maamuladii degmooyinka bilaaba ee amar aad ku bixisay? Aawey qalabkii lagu samaynayay Waraaqaha Aqoonsiga sida Soomaaliya oo kale? Aawey kharashkii hawsha lagu qabanayay waadiga sheegay inaan cidi inaga caawinayne ma 2 doolar oo qofka laga qaado ayaa hawsha intaas le’eg qabanaysa? Waxaan u malaynayaa in dadku ku baarugi doonaan Waraaqahan Aqoonsiga ee isku wakhti la isku beegay Somaliland iyo Somaliya inay tahay timir lafbaa ku jirta, waxa kale oo isweydiin leh waxa hay’adihii inaga caawinayay samaysashada waraaqaha Aqoonsiga aad u qarisay.. waxa kale oo xusid mudan waxa khilaafka golayaasha deegaanka ee ay caasimada Somaliland ee Hargaysa ka mid tahay aad mudnaanta uga siisay in Warqadaha muwaadinka oo mar lala qaato Soomaaliya aad u buubuunayso ee indha aad uga qarsanayso baylada Wasaaradaada ka muuqata.

Xigasho Haatuf.net.