General Maxamed Cali Samatar oo Aas Qaran loogu Sameeyey Muqdisho iyo Taariikhdiisii – Daawo Sawirro

AAS QARAN OO GENERAL MAXAMED CALI SAMATAR LOOGU SAMEEYEY MUQDISHO 2016

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Maamul-goboleedyada qaar ka mid ah, ayaa Khamiistii Maanta ka qayb-galay Aas Qaran oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Caasimadda Muqdisho loogu sameeyay Allaah u naxariistee Jeneraal Maxamed Cali Samantar oo Jagooyinka Madaxweyne Ku-xigeen, Raysal-wasaare iyo Wasiirka Gaashaandhigga ka soo qabtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee Millaterigu hoggaaminayey, waxaana Meydkiisa laga soo qaaday dalka Maraykanka oo uu dhawr cisho ka hor ku geeriyooday isagoo 85-jir da’diisu tahay.

AAS QARAN OO GENERAL MAXAMED CALI SAMATAR LOOGU SAMEEYEY MUQDISHO 2016
AAS QARAN OO GENERAL MAXAMED CALI SAMATAR LOOGU SAMEEYEY MUQDISHO 2016

Aaska Qaran ee Marxuum Maxamed Cali Samatar loogu sameeyey Muqdisho Maanta, waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Cusmaan Jawaari, Raysal-wasaaraha Xukuumadda Cumar Cabdirashiid Cali, Wasiirro, Xildhibaan, Dadweyne tiro badan iyo Madaxweyneyaasha Maamullada Jubaland iyo Koonfuur-Galbeed Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida, Safiirro iyo Wakiillo ka socday Dalalka dunida iyo Ururrada caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah qaarkood.

Markii Aaska Qaran laga soo dareeray, waxay Masuuliyiinta kala duwani ka qaybgaleen Munaasibad Duco, Baroor-diiq iyo Xus Marxuum Maxamed Cali Samatar loogu qabtay isla Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Aaskiisa lagu qabtay.

Waxaa halkaas ka hadlay Saraakiil ay Ciidammadii Soomaaliya ka wada tirsanaayeen, Madaxweynaha, Raysal-wasaaraha, Madaxweyneyaasha Maamullada qaar, Xildhibaanno, Wasiirro, Ehelada Marxuumka qaarkood iyo Dad Taariikhdiisa si fiican u yaqaannay oo ka sheekeeyey Taariikhdii Marxuum Maxamed Cali Samatar, oo Derajada ugu sarraysa ee Ciidan Soomaaliyeed keligii gaadhay, waxaanay Marxuumka Allaah uga baryeen inuu u naxariisto, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyio Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

General Maxamed Cali Samatar Samantar oo muddo bilo ah xanuunsanayay ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Gobolka Virginia dulledka magaalada Washington isagoo 85 sana jir ah. Genaral-ka, ayaa ka mid ahaa saraakiishii ugu sarsareeyay ee qeybta ka qaatay dhismihii Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo Beri ahaa mid ka mid ah Ciidammada ugu xooggan ama awoodda badan waddamada Afrika.

Marxuum Samatar waxa uu ka tirsanaa Golihii Saree e Kacaanka ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre ee talada Soomaaliya afgambiga Millateri kula wareegtay sannadkii 1969-kii, taasoo talada haysay illaa horraantii 1991-kii oo ay burburtay.

Taariikh-nololeedkii General Maxamed Cali Samatar oo kooban hoos ka fiiri:-

Marxuum Maxamed Cali Samatar waxaa uu dhashay sanadkii 1931kii waxaa uu ahaa saraakiishii ugu horaysay ee si casri loogu tababaro ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Maxamed Cali Samatar waxaa uu heer sare ka gaadhay Miltariga Somalia isaga oo ahaa qofkii ugu sareeyay ee taariikhda Millateriga Soomaaliya ee gaadhay Derajada Sarreeye Guud oo ahayd Derjadii ugu sarraysay ee ka jirtay Soomaaliya wakhtigaas.

Waxaa uu xubin ka haa XHKS, waxaana uu ka mid ahaa Golaha Sare ee Kacaankii Soomaaliyeed, wuxuu si aad ah uga dhex-muuqday talada dalka sannadihii 70-meeyadii illaa Sideetamaadkii.

1980-kii illaa 1986-kii ahaa waxa uu Marxuumku ahaa Wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya. 1-dii Febdruary sannadkii 1987, waxaa loo magacaabay in uu noqdo Ra’ysal-wasaarihii ugu horreeyay ee ay yeelato dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey, xilkaasi oo uu hayay tan iyo intii ay ka burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaaliya horraantii 1991-kii.

Jeneraal Maxamed Cali Samantar waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha laf dhabrta u ahayd ciidanka Soomaalia ee ka qayb qaadatay dhismihiisa Milatariga. Allaah u naxariistee waxa uu Jeneraalka ifka kaga tagay 39 Awlaad ah oo isugu jira 13 uu dhalay iyo 23 ay sii dhaleen iyo laba ay sii dhaleen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.