Daawo Magaalo dhan oo Dadkii Degganaa Uga Qaxeen Maroodi Gedooday oo Oodda u rogay

India(Aftahannews):- Dadweynaha ku dhaqan magaalo ku taalla waddanka Hindiya, ayaa ka barakacay ama ka qaxay Guryohoodii ay degganaayeen, ka dib markii uu mid ka mid ah Xawayaanka awoodda badan ee Maroodiga oo gedooday ama cadhaysani Cagta mariyey magaaladaas, isla markaana dumiyey guryo kala duwan.

MAROODI GEDOODAY

Maroodigan, ayaa cagta mariyay oo dumiyay, tobanaan guri oo carshaan ah, waxa kale oo uu jajabiyay, gaadiid iyo alaab wixii ka soo hor baxa, qaar ka mid ah dadka guryaha daahara dhismahoodu adag yahay degan ayaa dantu ku kaliftay inay dusha uga baxaan guryahooda si ay uga nabad galaan maroodigan cadhaysan.

Hase-yeeshee, waxaa Maroodigaas markii dambe dadka magaaladaas ku dhaqnaa ee uu kala baacsaday uga soo gurmaday Kooxaha Duur-joogta, kuwaasoo Maroodigaas ku qaaday Wiish wayn oo kuwa Tareennada iyo Maraakiibta lagu dallaco ah.

Maroodiga ayaa ka mid ah Xawayaanka Duur-joogta loo yaqaan kuwooda ugu awoodda iyo itaalka badan, balse inta badan aan adeegsan awooddooda, isla markaana lagu tilmaamo kuwooda ugu nabadda jecel, balse hadday cadhoodaan ama gedoodaan ay adag tahay sida looga badbaadaa, geystana khasaare badan oo naf iyo maalba leh.

Haddaba, qaabkii uu Maroodiga gedooday u dhex-galay magaaladaas, Guryaha u dumiyey iyo sida ay Dadka degganaa magaaladaasi uga qaxayaan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.