Taariikhyahan Aw Jaamac Cumar Ciise Oo Geeriyooday

Jabuuti(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Aw Jaamac Cumar Ciise oo ahaa taariikhyahan caan ka ahaa dhulka Soomaalidu degto, ayaa caawa fiidkii ku geeriyooday Magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

201416635246060993651014Aw Jaamac Cumar Ciise

Aw Jaamac Cumar Ciise, oo ahaa taariikhyahan, isla markaana ahaa qoraa wax ku qori jiray luuqadaha Soomaaliga iyo Carabiga isla-markaana leh buugaag badan oo taariikh dheer xambaarsan, ayaa ku geeriyooday caawa magaalada Jabuuti oo degganaa.  Aw Jaamac Cumar Ciise, ayaa ku geeriyooday da’da 91 sano jir.

Allaah ha u naxariistee, Marxuum Aw Jaamac, ayaa ku xeel-dheeraa taariikhda Soomaalida, waxaana la sheegay inuu buuggii ugu horeeyay ee uu taariikhda Soomaalida ka qoray uu qoray sanadkii 1965-kii, wakhtigaasi oo uu ku qoray luuqadda Carabiga, Buuggaasi, ayuu Marxuumku Af-Soomaali ku qoray sanadkii 1972-kii.

Sannadkii 1991-kii markii uu dhacay burburkii dawladdii Soomaaliya, ayuu Aw Jaamac u guuray waddanka Jabuuti, halkaasi oo uu ku duubay barnaamijyo badan oo khuseeya taariikhda Soomaalida isla-markaana ku qoray buug ka hadlay burburkii Soomaaliya, halkaasi oo uu wadku ugu yimid.

Allaah ha u naxariisto Marxuum Aw Jaamac Cumar Ciise, ehelkiisii iyo Ummadda Af-ka Soomaaloga ka hadashana Samir iyo iimaan haka siiyo. Innaali-laahi Wa-innaa-ileyhi Raajucuun.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.