Tirada Dadka laga Helay Xanuunka Covid-19 oo Kordhay Somaliland iyo Warbixintii u Dambaysay

Hargeysa(aftahannews):- Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay inay sii kordheen kiisaska Dadka laga helay xannuunka Covid-19, waxaana Axadda maanta la shaaciyey inay kordheen 18 Qof, halka aanay dhimasho aan la sheegin maanta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbixinta maalinlaha ah ee wasaaraddu ka soo saarto Covid-19 jeediyey Axadda 31-ka bisha May 2020, ayaa sheegay in 24-kii saac ee u dambeeyey la baadhay Dad 50 ka badan, isla markaana 18 Ruux laga helay xanuunka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland, ayaa sheegay in 18-ka Qof ee xanuunka laga helay, ay 15 ka mid ahi Rag yihiin, halka 3-da kale Haween yihiin, kuwaas oo 14 deggan yihiin Hargeysa, halka ay Saddex Qof ku nool yihiin Berbera, hal Qofna magaalada Burco.

Somaliland Tirada guud ee Dadka xanuunka laga helay ayey 18-ka Qof ee maanta ka dhigayaan 304 (Saddex Boqol iyo Afar Qof), halka ay tirada dhimashadu ka tahay 19 Ruux oo aanay maanta waxba ku kordhin. Waxa ka ladnaaday Xanuunka guud ahaan 40 Qof, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Dr. Xergeeye.

Haddaba, Warbxinta Axadda maanta  uu jeediyey Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo faahfaahsan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.