Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Aqoonyahan Dhaliil U Jeediyey

Maxamed Dhimbiil
Maxamed Dhimbiil

Hargeisa (Aftahannews)- Ciidamada booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Aqoonyahan Maxamed Cabdi Jaamac (Dhimbiil) oo ka mid ah aqoonyahanka dhalinyarada reer Somaliland.

Aqoonyahan Maxamed Dhimbiil ayaa saaka anbaaro 10-kii subaxnimo ciidamada Boolisku ka xidheen agagaarka Wasaarada Maaliyada oo uu ku sugnaa.

Ciidamada Booliska ayaa Aqoonyahan Maxamed Dhimbiil ku xidhay xarunta Dambi baadhista Somaliland ee C.I.D-da.

Xadhiga Aqoonyahan Maxamed Dhimbiil ayaa la sheegay in uu salka kuhayo qoraal uu ka qoray xaalada siyaasadeed ee Somaliland, iyo balan qaadyadii xisbiga Kulmiye iyo kacdoonada ka socda dalka Jabuuti.

Maxamed Dhimbiil ayaa ahaa gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka S.P.P oo ah urur loo diyaariinayo in uu ka hawlgalo Somaliland marka ay gaadho furitaanka ururada siyaasada Somaililand.

Xukuumada Somaliland ayaan Ilaa iyo hada faah faahin ka bixin sababta Aqoonyahan Maxamed Dhimbiil loo xidhay iyo dambiga uu galay toona.