Madaxweynaha Puntland Oo Xadhigga Ka Jaray Xabsiga Budhcad’badeeda ee ugu wayn G/Afrika+Sawirro

Garowe(Aftahan News)-Madaxweynaha Maamul goboleedka  Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdi-xakiin Cabdillaahi Xaaji
Cumar Camey ayaa  xadhiga ka jaray xabsiga weyne ee lagu tala galay budhcad badeeda kaas oo laga dhisay xarunta maamul goboleedka Puntland ee Garowe, xabsigaas oo ay si wada jir ah u isaga
kaashadeen  Puntland iyo beesha caalamka.

Munaasabada lagu daah furayay xabsiga cusub ee Garowe  waxaa sidoo kale kasoo qayb galay golayaasha  Puntland, safiirada dalalka reer yurub, saraakiisha sare ee ciidanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil ka tirsan hay’adaha QM iyo xubno kale

Masuuliyiinta Puntland iyo Dowladda Federaalka Somalia ee joogay munaasabadda xadhiga looga jarayay xabsiga weyne ee garowe waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amaanka Puntland Xasan Cisman Alloore, Wasiirka Maaliyadda Puntland Shire Xaaji Faarax,Wasiir Xigeenka Maaliyadda
Puntland Axmed Yaasiin Saalax, Wasiirka Caddaalada Puntland Ismaaciil
Max’ed Warsame, Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland General Cali Nuur,
Taliyaha Ciidanka Police-ka Puntland General Max’ed Siciid Jaqanaf,
Taliye Xigeenka Ciidanka Poilice-ka Puntland General
Muxiyadaain,Wasiir Ku Xigeenka Caddaaladda Dawladda Soomaaliya
Cabdillaahi Bile Nuur , Taliyaha Xabsiyada Soomaaliya General Xuseen
Xasan Cismaan iyo masuuliyiin kale.

Dalalka ka qayb qaatay dhismaha xabsigan waxaa iyagana ka joogay Mr Alain ANCION
ku xigeenka safiirka Dawaladda Holland ee Somalia, Mr Neil WIGHAN Safiirka Dawaladda UK ee Somalia, Mr Jan-Petter HOLTERDAHL qunsulka Dawaladda Norway ee dalka Kenya iyo masuuliyiin kale oo iyaguna ka socday dalalka Denmark, Finland, Tukey iyo Australia.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland General Cali Nuur ayaa munaasabada ka sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka xabsiga weyn ee Garowe, isla markaana ay si dhab ah uga fekeri doonaan dayactirkiisa iyo ilaalintiisaba, sidoo kale wuxuu u mahad celiyay dhamaan dalalkii ka
qayb qaatay dhismaha xabsiga Garowe .

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdi-xakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey ayaa dalalka reer galbeedka iyo QM u sheegay in howshu aysan wali dhamaan, balse ay sugayaan taageero lixaad leh si loo dar dargaliyo shaqooyinka uu xabsiga Garowe qaban doono.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa isaguna dhankiisa si weyn u amaanay cid kasta oo ka shaqaysay hir galinta xabsigan weyn ee garowe oo ay ugu horeeyaan dalalka reer galbeedka iyo QM. Madaxweyne Gaas wuxuu sidoo kale tilmaamay in xabsigan uu muhiimad

weyn u leeyahay Puntland, isla markaana uu noqon doono goob lagu hayo dadka gaysta danbiyada waaweyn laguna dhaqan celiyo si ay uga kaaftoomaan falalka xun ee bulshada wax u dhimi kara.Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray dhamaan qaybaha uu xabsiga  Garowe ka kooban yahay, wuxuu kale oo salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta iyo kooxda baanboyda Puntland.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA.

IMG_5336IMG_5360IMG_5368IMG_5409IMG_5465IMG_5468IMG_5504IMG_5509IMG_5510IMG_5527IMG_5535IMG_5576IMG_5590IMG_5595IMG_5603IMG_5606IMG_5318IMG_5320IMG_5403IMG_5458

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garowe/Puntland Steat Of Somalia