Wasiir Xaglo-toosiye oo shaaca ka qaaday inaanu awood u lahayn inuu Dr. Macaw oggolaansho siiyo

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay tallaabada Dhakhtarka Soomaaliyeed ee Dr. Cali Macaw Aways loogu diiday inuu Hargeysa hawlgal Caafimaad ka sameeyo.

xaglatoosiye (1)

Wasiirka Caafimaadku waxa uu sheegay in awooddaas aanay Wasaaraddiisu lahayn ee ay leeyihiin Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka ee Madaxweynuhu magacaabay. Waxaanu ku dooday in go’aan uu isagu gaadhay aanay is-hor-taagi karin Wasiir Ku-xigeenkiisu. Wasiir Xaglo-toosiye oo kulan ay la yeesheen Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland maanta, ka dib markii uu ka soo baxay Warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay inaanu Dr. Macawo awood aanu u lahayn inuu oggolaansho shaqo siiyo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbe oo Warbaahinta la hadlay kulankaas ay Wasiirka Caafimaadka la yeesheen ka dib, waxa uu sheegay inay ku qanceen Warbixinta Wasiirku siiyey, isagoo sheegay inuu Wasiirku uga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay ka weydiiyeen baahiyaha Caafimaad ee dalka guud ahaan ka jira, heerka caafimaad iyo doorka Wasaaraddiisu ka qaadato. Halkan hoose ka dhagayso hadalka Wasiir Xaglo-toosiye.

“Waxaannu ugu yeedh-nay Wasiirka Caafimaadka Somaliland inuu xog-warran naga siiyo Caafimaadka guud ee dalka Somaliland, wuxu noo sheegay inay jiraan dhibaatooyin badan oo haysta Caafimaadka Somaliland iyo sida uu uga gashaanto Wasiir markay lasoo gud-boonadaan arrimahaasi oo kale, qorshayaasha Caafimaad ee Wasaaradda ayuu nooga warramay, warbixintaas uu nasiiyey Wasiirkuna aad ayaannu ugu qanacnay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.