Daawo Golaha Deegaanka Sheffeild oo ansixiyey Aqoonsiga Madax-bannaanida Somaliland

Shefreild(Aftahannews):- Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Magaalada Sheffeild ee waddanka Boqortooyada Ingiriiska (UK/Britain), ayaa galabta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey ajandaha Kal-fadhigooda oo uu ku jiro Mooshin dhigaya in Ingiriisku aqoonsado madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo 22 sano oo ay jirtay aan ictiraaf caalamka ka helin.

Mooshinka qodobbadiisu dhigayaan oo uu Golahaas soo hor-dhigay Xildhibaan Mohamed Maruuf oo ka tirsan Golaha Deegaanka Sheffeild, ayaa maalmihii u dambeeyey si weyn ay Bulshada Somaliland ee gudaha iyo dibedda waddanka ku dhaqan, ayaa fadhiga Mudanayaasha Golahaasi kaga doodeen mooshinkaas oo ay maanta yheen waxaa ka xaadiray 88 Xildhibaan.

Waxa oggolaaday inay Madax-bannaanida Somaliland aqoonsadeen 86 Xildhibaan, waxa diiday hal Mudane, isla markaana waxaa ka aamusay hal Mudane, sidaas ayaanu ku ansaxay Mooshinka aqoonsiga Somaliland, kaasoo la hor-geyn doono Baarlamaanka waddanka UK oo iyaguna dood ka dib diidi kara ama ansixin kara.

Shirkan waxa ka qeyb galay  masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu  ka mid yahay  Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibeadda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo guddoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan  Maxamed Cabdillaahi Cabdilaahi (Cirro).

Sidoo kale waxa  lagu wadaa in ay shirkan golaha deegaanka Sheffield  ka qayb-galay boqolaal  ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalooyinka dalka Ingiriiska gaar ahaana kuwa ku degan magaalada Sheffield, kuwaasi oo xarunta golaha deegaanka ka dhigay  dibad-bax balaadhan oo loogu mahad celinayo Golahaasi qaaday.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.