Jawhar: Beero Maan-dooriye Khatar ah lagu Beeray oo Dab la qabadsiiyey

Jawhar(Aftahannews):- Beero lagu beeray Maan-dooriyaha halista ah ee Xashiishadda loo yaqaanno oo ku yaallay duleedka Bari ee magaalo-madaxda gobolka Shabeellada dhexe ee Jawhar ee dalka Soomaaliya, ayaa Shadaafta loo laabay, ka dib markii la gubay Beerahaas.

BEERAHA XASHIISHADDA

opium poppy heads

Guddoomiyaha gobolkaas Shabeellada dhexe ee dalka Soomaaliya Cabdi Jiinoow Calasow oo u warramay Laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da, ayaa sheegay in Beeraha ay gubeen ay ahaayeen toddoba Beerood oo lagu beeray Geedka Maan-dooriyaha Xashiishadda, Beerahaas oo uu maal-gelintooda lagu hirgeliyey beerista Xashiishadda ay wadeen Ganacsato isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

“Beerahan Maan-dooriyaha lagu beeray waxay ku yaalleen deegaannada Maandheere iyo Masarre oo ku yaalla Bariga degmada Jowhar, runtiina fajiciso ayay nagu noqotay markii aannu halkaas tagnay dhulka baaxadda leh ee Maan-dooriyaha Xashiishadda lagu beeray.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe Cabdi Jiinow Calasow.

Sidoo kale, Guddoomiye Calasow wuxuu sheegay in dad ay u qabqabteen Beerista dhirtan Maan-dooriyaha ah, kuwo kalena ay baxsadeen, balse ay ku raad-joogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen, waxaanu yidhi; “Markaad aragto Beeraha waxaad moodaysaa in waxa ka baxayaa ay yihiin Sisin, balse mar dambe ayaa la ogaaday in dhirtu ay tahay Maan-dooriyaha Xashiishadda, waxaanannu qorsheysannay inaannu ula dagaallanno kuwa Beeraya Maan-dooriyahan sidii cadow oo kale.”

Cabdi Jiinoow ayaa intaas ku daray in dhibaatooyinka Maan-dooriyaha ay ka mid yihiin inuu deegaanka halleeyo, sidoo kalena uu dhibaato u geysto Beeraha ka baxaya Beeraha ku dhow-dhow halka lagu beero, dhallinyaradana uu dhibaato ku hayo Maan-dooriyahan.

Maaha markii ugu horreysay ee la sheego in Beero ay ka baxayaan Maan-dooriyaha Xashiishaddu lagu gubo deegaanno ka tirsan gobollada Koonfurta Soomaaliya, waxaase Beeridda Maan-dooriyahani uu xoogeysatay wixii ka dambeeyay Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo ah muddo hadda laga joogo 23 sannadood.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.