Kenya: Xiisad ka dhalatay Wadaad caan ahaa oo la dilay

Mambasa(Aftahannews):- Xiisad ayaa ka aloosan magaalada xeebta dalka Kenya ee Mombasa maalin kaddib markii la toogtay Sheekh caan ahaa balse muran weyn dhaliyay.

624x351x72986344_tv019828660photoshopped.jpg.pagespeed.ic.dgAG4geDEG

Sheekh Abubakar Sharif Ahmed oo loo garanayay Makaburi ayaa lagu toogtay magaalada Mombasa isagoo ka soo baxay goob maxkamad ah oo dacwad ugu socotay. Wadaadkan waxa uu ahaa nin aan la gaban fikirkiisa.

Dowladduna waxay ku eedeysay in uu ahaa nin xagjir ah oo taageersan Al-Shabaab. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Makaburi ku eedeeyay inuu taageero dhaqaalana siin jiray Xarakada Al-Shabaab, balse eedeyntaasi dhowr jeer oo hore ayuu beeniyay.

Waa wadaadkii saddexaad oo lagu dilo Mombasa tan iyo sanadkii 2012-ka. Mar uu wareysi siiyay weriye BBC-da ka tirsan muddo afar bilood ka hor, ayuu Makaburi ku sheegay in uu ka warhayo in ciidamada ammaanka ee Kenya ay doonayaan inay dilaan.

Balse waxaa uu sheegay in uusan ka cabsi qabin arrintaas. Makaburi ka hor waxaa isla magaalada Mombasa lagu dilay Aboud Rogo iyo Ibrahim Cumar oo iyaguna ahaa wadaaddo muran dhaliyay.

Xigasho BBCSOMALI.COM.