“Wasiirka Dhallinyaradu Waxa uu Igu Xidhay In aan Ahay Kulmiye-diid iyo Taageerada WADDANI..” Sheekh Mustafe Jaamac Xirsi

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Mustafe Jaamac Xirsi, waa Muwaaddin u dhashay Somaliland oo muddo saddex bilood iyo shan cisho ah ku xidhan xarunta Sirdoonka ee magaalada Hargeysa, waxaanu xadhiggiisa ku si aad ah oo kulul ugu eedeeyey kulul u jeediyay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal oo uu sheegay in uu ka dambeeyay xadhigga sharci-darrada ah ee lagula kacay. Sidaasna waxa uu ku sheegay wareysi uu maanta siiyay laanta warbaahinta ee Akadamiga ERA.

NEWS

Sheekh Mustafe oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi “ waxa aan xidhanahay muddo ka badan saddex bilood. Ma jirto maxkamad la I geeyay. Waxa aanu walaalo nahay guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga WADDANI Hinda Jaamac Xirsi oo aanu walaalo nahay, aniguna xisbigaas ayaan ka tirsanahay. Wasiirka waxa aanu nahay ehel, laakiin mabda’a siyaasiga ah waanu ku kula duwannahay, waxaanu ka cadhooday taageero ballaadhan oo aan u fidinnay Xisbigaas WADDANI.  Gaar ahaanna waxa aan door  weyn oo dhinacyada abuulka, dhaqaalaha iyo ololaha lagu xoojinayo WADDANI”

Isaga oo ka hadlaya habka uu Wasiirku u maray xadhiggiisa waxa uu yidhi “ Markii uu ka diday loollanka ka dhanka ah KULMIYE ee aan ka sameeyay deegaanka aanu ka soo jeedno, waxa uu Wasiir Cali Siciid Raygal bilaabay inuu dhanka dhaqaalaha iga curyaamiyo. Waxaanu bilaabay inuu xidho rug-daawayneed (Cilaaj) aan masuulka ka ahaa, kooxo igula kacay boob iyo dhac ayaa la ii soo diray. Dembiyo aanan gelinna waa la igu wanjalay, sidaas ayaa la igu taxaabay. Maalin walba waxa la ii soo diraa dad raba inay igu qanciyaan in aan KULMIYE ku biiro”

 “Haddii ay dembi tahay in aan galo Xisbiga WADDANI waa in la caddeeyo. Marnaba ma noqon doono nin mabda’iisa ka weecan doona, haddii ay qaadanayso soddon sanno waan u xidhnaanayaa fekerkayga siyaasiga ah. Somaliland looma dhisin cabudhin, xadhig, guul-wadayn iyo duudsiga xuquuqda, waxa aan u baahanahay xuquuqda uu dastuurka dalku ii dammaanad-qaaday.” ayuu hadalkiisa ku xidhay Sheekh Mustafe Jaamac Xirsi.

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista

Hargeysa/Somaliland