Lixdan Jir Norway ka yimi oo la sheegay inuu ka mid ahaa Raggii isku qarxiyey Huteelka Boola-burte

Muqdisho(Aftahannews):-Mid ka mid ah Niman ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab oo Xalay weerar ku qaaday Huteel ku yaalla magaalada Boola-burte ee gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidammada AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya, ayaa la sheegay in la helay aqoonsigiisii, isla markaana uu ka yimi waddanka Norway.

qaraxwww

Ilo-wareed dhinaca amniga ah ayaa sheegay in mid ah raggii Al Shabaabka ahaa ee xalay weerarka isqarxinta iyo dagaalka tooska ah ku qaaday hotel ku yaalla magaalada Buuloburde uu ahaa nin oday ah ka yimid wadanka Norway.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa C/llaahi Axmed, waxaana kooxda Al Shabaab ay ugu yeeraan Xabiib al Muhaajir.  Waa nin 60 jir ah oo ka mid ah Soomaalida ku nooleyd wadanka Norway halkaasna ku lahaa deganaansho qoxootinimo.

Wuxuu ninkan ka mid ah dagaalyahanadda Al Shabaab ee ku jiaray dagaalo badan oo ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya.

Wararka oo goordhow soo baxay ayaa sheegaya in C/laahi Axmed oo Shabaabka u yaqaaneen Xabiib Al Muhaajir uu ka mid ah dagaalyahanadii miineysnaa ee weerarka ku galay hotelka Camalow ee degmada Buuloburde kadibna halkaas isku qarxiyey isagoo halkaasi ku naf waayey.

Hotelka waxaa deganaa saraakiil ciidan oo Soomaali iyo Jabuutiyan isugu jira iyo masuuliyiinta gobolka Hiraan oo dhowaan gaaray degmada kadib markii laga saaray Al Shabaab.  Illaa hadda dadka ku dhintay weerarkan ayaa tiradooda mareysaa 20 ruux oo ay ku jiraan askar iyo saraakiil Soomaali iyo Jabuutiyaan ah.

Tirada kooxda weerarka fulisay iyo inta kaga dhimatay ayaan la ogeyn. Al Shabaab oo ay ka tirsanaayeena kama hadlin dadka ka le’day.

Ma ahan markii ugu horreysay oo qof Soomaali ah oo ka yimid dibadda uu dalka gudihiisa qaraxyo ka geysto dadna ku dilo.  Sidoo kale bishii Sebtembar ee sanadkii hore ayaa kooxdii weerartay dhismaha Westgate ee magaalada Nairobi ee dadka badan ku dhinteen waxaa la ogaaday inuu ku jiray wiil Soomaalida reer Norway ka mid ah.

Waxaan sugeynaa faahfaahino kale oo ku saabsan ninkan iyo dhalinyarada kale ee xalay ku baaba’ay weerarkii ka dhacay Buuloburde iyadoo meydadka laga heley goobta lagu wado baaritaan.

Xigasho RBC Radio.