Madaxweyne Xasan Sheekh oo Askar ku dhaawacantay Ismiidaamintii Boolo-burte ku booqday Cusbitaalka

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho ugu tegay Askar Ciidammada ka tirsan oo ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo xalay ay Kooxda Al-Shabaab ku qaadday magaalada Boola-burte oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaasoo toddobaadkan laga qabsaday kooxdaas, isla markaana ay hadda gacanta ku hayeen Ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.

640x426xIMG_1661.jpg.pagespeed.ic.dmy_kJzjKH 640x426xIMG_1713.jpg.pagespeed.ic.5ZarIey2_8 640x426xIMG_1762.jpg.pagespeed.ic.31ype8yAeR 640x426xIMG_17271.jpg.pagespeed.ic.Xr-yRkygnx 640x426xIMG3.jpg.pagespeed.ic.YpHynxAd7p 640x426xIMG5.jpg.pagespeed.ic.QvVtAyTaS0 640x426xIMG8.jpg.pagespeed.ic.akNH3mZbC5 640x426xIMG11.jpg.pagespeed.ic.6ZvFZ_14hI 640x426xIMG15.jpg.pagespeed.ic.-iVxZJtlK_ 640x426xIMG16.jpg.pagespeed.ic.zetgbtjboT 640x426xIMG17.jpg.pagespeed.ic.nkssEqBScc 640x426xIMG18.jpg.pagespeed.ic.2T0VLFayMn 640x426xIMG0096.jpg.pagespeed.ic.REFlh2aTeW 640x426xIMG181.jpg.pagespeed.ic.2T0VLFayMn Madaxweynaha_oo_booqday_dhaawacyo_5640x426xIMG_17271.jpg.pagespeed.ic.Xr-yRkygnx

Askarta dhaawacyadu ka soo gaadheen weerarkaas ismiidaaminta ahaa oo maanta la geeyey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, ayaa isugu jiray ka kala tirsanaa Ciidammada dawladda Jabuuti ee Midawga Afrika ee Soomaaliya jooga ka tirsan iyo kuwa dawladda Soomaaliya, waxaanu Madaxweynuhu ku booqday Cusbitaalka Xalane ee Muqdisho oo dhaawacyadaas la soo dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Askarta dhaawaca ah ee la geeyey Cisbitaalka Xalane ee Caasimadda Muqdisho mid mid u booqday, isla markaana mid walba xaaladdiisa ka waraystay, isaga oo si shaqsi shaqsi ah iyo si guudba ugu duceeyey Dhaawacyadaas oo uu Illaahay uga beryey inuu caafimaadiyo, waxaanu ku tilmaamay Geesiyo aakhiriyo iyo adduunkaba magac iyo sharaf ku leh oo cadaw la-dagaallamayey.

Madaxweynaha iyo Saraakiisha la socday markii ay gaadheen Cisbitaalka Xalane waxa ay kormeereen qolalka la seexiyay dhaawacyada, waxaana Madaxweynuhu uu mid mid u kortagay askarta dhaawaca aheyd, isaga oo xaaladooda caafimaad ka wareystay. Dhakhaatiirta la tacaalaysa xaaladda caafimaad ee dhaawacyada ayaa Madaxweynaha u sheegay inta badan dhaawacyada askarta ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana loo sameeyay  daaweyntii ay u baahnaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Askarta dhaawaca ah hadal dhiirrigelin ah u jeediyey waxa uu yidhi; “Sida ay dhagar qabayaashu damacsanaayeen iyo waxa aan aragnay aad bay u kala fogyihiin, geesinimo dheeri ah yay ka qaadeen ciidamadu, cadowga waxa uu damacsanaa iyo sida ay ciidanka uga hortageen waa wax aan caadi ahayn, inta dhaawacooda halista ku jirta waxaa lagu dadaalayaa sida lagu daaweyn karo oo dalka dibediisa loogu qaado, kuwaan iyo kuwa kale ee codowga la diriraya ku dhaawacma dowladdu waxa ay ku dadaalaysaa daaweyntooda iyo daryeelkooda.”

“Howlgallada ciidamadu si wanaagsan ayay u billowdeen una socdaan, Al-shabaab waa laga saari doonaa dalka oo dhan. Hase ahaatee, maadaama laga guuleystay waxay isku dayayaan falal argagaxiso oo ay shacabka waxyeello ugu geysanayaan oo nooga wada baahan adkeysi midnimo iyo wadajir. Shakina iigama jiro ciidanka geesiyaasha ah ay sharafteenna iyo karaamadeena soo celinayaan Al-shabaabna laga guuleysan doono.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaanu Madaxweyne Xasan oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaad sare hore kaga jirtaan dagaalka aan kula jirno cadowgeenna oo diiddan nabadda iyo horumarka dalka. Waxaadna hurteen naftiina qaaliga ah. Waxaan idiin kaga mahad-celinayaa naf-hurnimadiina iyo dhiiranaanta oo Qarankani ku dhisan yahay. Nafta aad hurteen waa mid dalka iyo diintaba u soo hoyay guulo is-daba-joog ah, argagaxisadana waan ka saaraynaa dalka oo dhan. EEBBE waxaan idin kaga baryayaa inuu dhaawaca idiin sahlo oo aad dhaqso u bogsataan.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo qoysaskii Askartii ku geeriyootay weerarkii Al-shabaab ay xalay ka geysatay degmada Buulo-burte oo Al-shabaab lagala wareegay toddobaadkii hore.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.