Maareeyaha Korantada Dawladda oo sheegay in Mishiino cusub Wershadda looga soo iibinayo Ingiiriska

“Waxaan ugu baaqayaa inay shacbigu lacagta iska bixiyaan, waayo wershadu waxay ku socotaa lacagtaa dadweynaha laga qaado”Axmed-yaasiin Aw. Maxamed

Hargeysa(Aftahannews):- Maareeyaha Hay’adda Korantadda Dawladda Axmed-yaasiin Aw-maxamed Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay Qalab cusub oo Wakaaladda Dibadda loogu diray, isbedelka maamul iyo farsamo ee lagu sameeyay Xafiisyada iyo dar dar gelinta hawl-galo lagu sugayo Dakhliga Wershada ee dadweynaha ku maqan.

DSC00203

Axmed-yaasiin Aw-maxamed oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay in Mishiino cusub ay dibada ka soo iibsanayaan, kaasoo lagu xoojinayo Miishanada hada u baxa Wershada ee Laydhka.

Mishiinada ayuu sheegay in loo diray waddanka Inigiriiska, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan ay dalka u soo gaadhi doonaan, isagoo xusay in marka qalabkaasi u yimaado laga bilaabo wershadu bulshada ku dhaqan Caasimadda gaadhsiin doonto adeeg Koranto oo ku filan.

“waxaanu dibada u dirsanay qalab wershada lagu xoojinayo oo Mishiino iyo agab kale isugu jira,kaasoo Madaxtooyada aanu waydiisanay in naloo iibiyo, una marnay nidaam saxa, Qalabkaa waxaanu u dirnay Shirkad Imaraat-ka Degen, waxaana laga soo iibinayaa waddanka Ingiriiska, toosbaanay Ingiriiska looga soo qaadayaa.

Qalabkan markii la dirayay anigaa tegay Imaaraadka oo la kulmay shirkadda aanu dirsanay qalabka,  Bangiga dawladdana markii aanu heshiiska galnay lacagta halkan toos uga shubay Shirkadda”ayuu yidhi Maareeyuhu.

Geesta kale Maareeyaha ayaa  iftiimin ka bixiyay isbedel dhanka shaqada ah oo ay ku sameeyeen Waaxda Biilasha ee Wershada,qaybtaasoo sida uu sheegay aad loo dar dar geliyay. “Alxamdulilaah, Billing center-kayagii waanu hagaajinay, maamul cusub ayaanu meesha gaynay, laakiin waxa aan kuu sheegayaa qofka ku leh lacagbaa la isku kay gaadhsiiyey oo shan bilood ayaa la igu leeyahay, dee isaga laftiisu marka bil loo gayn waayo waraaqda biilka inuu bisha kale iska keeno oo xarunta uu yimaado ayay ahayd.

Markaa xaga biilka dhibaatadii ka jirtay waanu xalinay badankeeda oo waxaan odhan karaa 99% arintaasi waanu xalinay, markaa qof la iloobo oo biilka loo gayn wayo way soo baxaysaa”.ayuu yidhi.  Axmed-yaasiin  Aw-maxamed ayaa sheegay in horumarin kasta oo lagu sameeyo adeega Korantada dawladdu aanu waarayn ilaa Shacbigu si wanaagsan u bixiyaan lacagta Wershada ee adeega laydhka.

Maareeyaha ayaa intaasi ku daray inay wax badan qabteen soo xareynta dakhli fara badan oo dadweynaha ku maqnaa, kaasoo buu yidhi sifayaal kala duwan ku lumi jiray.

Waxaanu yidhi “Waxaan dadweynaha reer Hargeysa u sheegayaa, waxa aad moodaa in laydhka dawlada la xalaalaystay oo waxa nagu badan tuugada inkastoo aanu badankeedii qabanay hadana qofka muslimka ahi waa inuu ogaado laydh la xadayo waa inuu la mid yahay Bariis uu cunayo wax faraq ah oo u dhexeeyaa ma jirto markaa waxa aan dadka ku boorinayaa in laydha dawladu aanu si sharcidaro ah qofna xalaal ugu ahayn inuu si tuugo ah u xado, waxaanan ugu baaqayaa in tuugadiisa la iska ilaaliyo”.

Maareeye Axmed-yaasiin ayaa sidoo kale Baaq u diray Macaamiisha Laydhka ay siiyaan “Waxaanan ugu baaqayaa in shacabku ay lacagta iska bixiyaan, waayo warshadu waxa ay ku socotaa waa lacagtaa naaftada lagu bixiyo iyo shaqaalaha mushaharkooda ayay warshadu ku socotaa, markaa waxa aan ka codsanayaa inay lacagta si fiican iskaga bixiyaan inta bixisaana way ku mahadsan yihiin”.

Maareeyaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay Wakaalad ahaan kaalintooda ka qaadanayaan hagaajinta bilicda Caasimadda oo uu sheegay inay meel isla dhigeen dawladda hoose ee caasimadda,taasoo ay siin doonaan laydh dheeraad ah  kor loogu qaadayo muuqaalka iyo quruxda Shaaracyada waaweyn ee Magaaladda.

Hadalka Maareeyaha ayaa ku soo aadaya xili isbedel dhanka adeega ah laga dareemayay muddooyinkan dambe wershada Korantada dawladda ee caasimadda Hargeysa oo muddo dheer adeegyadeedu liiteen, balse ilaa badhtamihii sanadkii tegay ay Macaamiisheedu la dhaceen adeega Koranta, inkasta oo aan wali la kordhin wakhtiga laydhkeedu baxo.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.