Cabdi-iley oo Cafis ka dalbaday Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya iyo Maxkamadayntii Maanta

Addis Ababa(Aftahannews)- Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa uu ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ka codsaday inuu cafiyo isaga iyo dadka la eedaysan.

Hadalkan ayuu ka sheegay Cabdi Maxamuud Cumar, maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa oo markii seddexad la horkeenay.

Muddo 42 maalmood ah ayey xidhnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, iyadoo ay dacwad oogeyaashu dalbadeen in loogu daro toban malamood oo kale oo dheeraad ah, si ay u soo dhamaystiraan eedaymaha ay ku soo oogayaan.

Hore waxaa u jiray in Cabdi Maxamuud iyo xubnaha la xidhan ay ka cabanayeen in aan qorraxda la tusin, iyo in ehelkooda aan luqadda Amxaariga ku hadlin lagu khasbo in ay afka Amxaariga ku hadlaan.

Xaakimka maxkamadda ayaa si adag ula hadlay dacwad oogeyaashii ka socday xeer ilaalinta, “ma waxaad doonaysaan in sannad ay jiitanto arrintan.hore waxaan idiin siinnay fursadihii aad dalbateen in aad doonaysaan. Tobankan maalmood marka ay dhamaadaan waa in aad la timaadaan eedeymaha iyo caddaymaha dacwaddiinna” ayuu yidhi xaakimku.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maxkamadda ka dalbaday in isaga iyo xubnaha la xidhan “laga gaadhsiiyo ra’iisal wasaaraha Itoobiyaha inuu cafis u fidiyo, maadaama uu wakhti is cafis lagu jiro”.

Hore ayuu Cabdi Maxamuud Cumar cafis uga dalbaday dadka deegaanka Soomaalida. Sidaa waxa lagu Warkan oo ay qortay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu Warkan ka soo xigannay.