Qalbi-dhagax oo Munaasibad soo dhawayn ah loogu Sameeyey Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa magaalada Hargeysa munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ah loogu sameeyay Cabdikariin Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax” oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Jabhada ONLF oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa Somaliland.

Munaasibadan oo qabsoontay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Madax-dhaqameed, Cuqaal, Waxgarad, Jaaliyada dawlad deeganka ee Somaliland iyo Marti sharaf kale.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka