“Anagon biyo helin ayuu waagu noo baryaa, uma adkaysan karno biyo la,aanta Xukuumadu hanoo soo gurmato hadii kale dalka waanu ka guuri”.Shacabka Borama

Borama (Aftahannews)- Dadweynaha danyarta ah ee ku nool magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa waxa ay maanta ka mudaharaadeen biyo la,aan baahsan oo soo food saartay.

Dadka danyarta ah ayaa si qiiro leh uga iga ilmeeyay biyo la,aanta soo food saartay iyagoo cabasho ka muujiyay shirkada gacanta ku haysa Biyaha magaalada Boorama, waxaana ay sheegeen hadii uu qof ka dhinto aanay haysan biyo ay ku maydhaan.

Sidoo kale Waxa ay xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqeen in ay u soo gurmato oo ay biyo la soo gaadho hadii kale ay Somaliland iskaga guuri doonaan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka