Jaamac-Shabeel oo Jawaab Kulul ka Bixiyey Hadalkii Xoghayaha Kulmiye “Aniga iyo Madaxweynaha waxa na Dhex-geli kara..”

JAAMAC-SHABEEL IYO XASAN SICIID OO KULMIYE ISKU HAYSTA
JAAMAC-SHABEEL IYO XASAN SICIID OO KULMIYE ISKU HAYSTA

Hargeysa(Aftahannews):- Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac-Shabeel) oo ah Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Xoghayaha guud ee Xisbigaas Xasan Siciid Yuusuf oo Maanta sheegay inaanu Jaamac-shabeel ku hadli karin Afka Xisbiga Kulmiye, ka dib markii uu dhawaan si adag uga hadlay Xeerka Kufsiga ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi saxeexay.

JAAMAC-SHABEEL IYO XASAN SICIID OO KULMIYE ISKU HAYSTA
JAAMAC-SHABEEL IYO XASAN SICIID OO KULMIYE ISKU HAYSTA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac-Shabeel oo isaguna ka hadlay arrintaas Xoghayaha guud ayaa sheegay inaanu Xoghaye Xasan Siciid sidaa ula hadli karin Jaamac ahaan, isla markaana uu yahay Xasan Nin iska hadlay, isaga iyo Madaxweynuhu waxay isku hayaanna aanu ka garniqi karin, sidoo kalena kala dhex-geli karin Madaxweyne Biixi iyo Guddoojiye Jaamac-Shabeel.

Jaamac-shabeel Muuse Biixi iyo Xasan Siciid
Jaamac-shabeel Muuse Biixi iyo Xasan Siciid

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Haddaba, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac-Shabeel oo ka hadlaya hadalka Xasan iyo is-haynta Madaxweynaha iyo Isaga iyo Cidda dhex-dhexaadin karta ama dhex-geli karta Biixi iyo Shabeel, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.