Siyaasi Buuba oo muxuu ka yidhi socdaalkii Cabdiwali Gaas ku yimi Badhan?

Hargeysa (Aftahannews)- Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa oo ka mid saraakiisha sar sare ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa uu si adag uga hadley socdaalkii dhawaan uu magaalada Badhan ku yimi Madaxweynaha maamul goboleedka Garoowe.

Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa ayaa waxa kale oo uu ka hadley saraakiil ka goostay Ciidanka qaranka Somaliland isagoo ku baaqay in la dhagaysto tabashada saraakiishaasi.

Sidoo kale Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa ayaa waxa uu ka hadley kulamo ay dhawaan yeesheen masuuliyiinta asxaabta qaranka iyo xukuumadu.

Dhinaca kale Siyaasi Buubaa ayaa waxa uu ka hadley wadahadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya waxaana uu sheegay in wada hadaladaasi ay mihiim u yihiin Somaliland.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka