“Jabuuti mar hadday ku Hungoowday Abaalkii Farmaajo, Wax halla Qabsato Somaliland..” Xildhiban Cali Aareeye

Hargeysa(Aftahannews)- Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa dhalliilay qaabkii uu Madaxweynaha Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uga hadlay arrinta dalka Eriteria ee wakhtigan iyo baaqa uu u jeediyey Qaramada Midoobay ee uu kaga dalbaday in Eriteria laga qaado Cuno-qabataynka Hubka ee saaran dalkaas.

Waxaanu ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo Nin aan ka jawaabin abaalka muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Jabuuti u gashay federaalka Soomaaliya iyo Farmaajo-ba, waxaanu Xildhibaan Aareeye Jabuuti ugu baaqay inay Soomaaliye beddelkeeda wax la qabsato Jamhuuriyadda Somaliland oo gacan iyo garab-ba uga baahan, abaalkana aan gedi doonin sida uu hadalka u dhigay Xildhibaanku, isaga oo sidoo kale Farmaajo ku dhalliilay inaanu ka hadal colaadda u dhaxaysa Eriteria iyo Jabuuti.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;

Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Aadan Xasan Aadan, ayaa isaguna mar uu shalay la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, waxa uu sheegay inaanay Jamhuuriyadda Jabuuti soo dhawaynayn Baaqa Madaxweyne Farmaajo ku dalbaday in cuna-qabataynta Hubka Eriteria lagaga qaado, maaddaama oo aan weli la xallin Colaadda u dhaxaysa dalalka Eriteria iyo Jabuuti oo sannado ka hor ku dagaallamay Deegaanno ay Xad-wadaag ka yihiin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.