Siyaasi Rashiid Jaamac-Dhari oo Eedo Culus u Jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Suldaankiisa

Hargeysa(Aftahannews):- Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari oo ka mid ah Sariisha sar sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa uu bogaadiyay ergadii kala duwanaa ee ka kala socday Somaliland ee soo afjaray shaqaaqadii ka taagnayd deegaanka Ceel-afwayn, Isagoo si gaar ah u hambalyeeyay Abihii labadii Wiil ee dhalay ku waayay shaqaaqadii deegaankaa ka dhacday ee ugu samray nabadaasi.

Sidoo kale Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari ayaa waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilay safar la,aanta uu ku dhex joogo Madaxtooyada oo aanu wax safara ugu kicitimin gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Dhanka kale Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari ayaa waxa uu Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal uu ku dhaliilay siyaabaha aanu uga qayb qaadan nabadynta Beelaha Ceel-afwayn, Isagoo sheegay in uu nabadaas Ceel-afwayn uu kaga habsaamay Huteel uu Sheekh Aadan Siiro uga jawaabo.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.