Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Oo Faro Madhan Ka Taaggan Dadaalkii Uu Galiyay Taageeridda Soomaaliya Iyo Somaliland Oo Farriin Hiil Ah U Dirtay

Hargeysa(Afahannews) Dawladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaadday in ay amakaag ka qaadday heshiiska dhexmaray dawladda Soomaaliya iyo dawladda Ereteriya oo kala saxeexday heshiis 4 qodob ah oo ku saabsan xidhiidhka labada dal.

Dawladda Jabuuti waxay sheegtay in aanay Somalia ka filayn in ay la heshiiso Ereteriya iyada oo uu taaggan yahay muranka xuduudka ee Jabuuti iyo Ereteriya, Islamarkaana ay Ereteriya haysato dhul iyo ciidamo ay Jabuuti kaga qabsatay dagaal ay gardarro ku sheegtay dawladda Jabuuti.

Dawladda iyo dadka Jamhuuriyadda Jabuuti waxay si qoto dheer uga argagaxeen baaqa uu jeediyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo intii uu ku gudo jiray bookhashadiisa Asmara oo uu Qaramada Midoobay ugu baaqay in Ereteriya laga qaado cunaqabataynta saarnayd ilaa 2009 taas oo loo saaray curyaaminta ay ku hayso dalalka la dariska ah, gaar ahaana taageerada ay siiso ururka argagixisada Alshabaab ee Soomaaliya iyo muranka xuduudka Jamhuuriyadda Jabuuti,” Sidaas ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho.

Jabuuti waxay sheegtay in Somalia tahay dal xor ah oo xaq u leh in uu xidhiidh la samaysto dalalka gobolka laakiin, aan la aqbali Karin walaalaha Jabuuti oo Ereteriya la heshiinaya “Waa wax aan la aqbali Karin in aanu aragno walaalahayo Soomaaliya oo la heshiinaya Ereteriya oo haysata qaybo dalkayaga ka mid ah, walina dafiraya in ay haystaan maxaabiistii Jabuuti,” Sidaas ayay tidhi dawladda Jabuuti.

Dawladda Jabuuti waxay intaasi ku dartay in ay qiimo badan ku taaggan yihiin wiilasha iyo gabdhaha ay ku wayday dagaalkii Ereteriya iyo Jabuuti walina ay taaggan tahay arrinta xuduuda laakiin, ay Somalia si indho la’aan ah u taageerayso Ereteriya “Uma dulqaadanayno hadallada arxan darrada ah iyada oo wali Wiilashayada iyo hablahayaga yaryar halkan u joogaan difaaca nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” Sidaas ayaa lagu yidhi bayaanka dawladda Jabuuti.

Safiirka dawladda Jabuuti u fadhiya Muqdisho Amb Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in ay madaxweynaha Soomaaliya ka filayeen in uu barbar istaago Jabuuti oo uu yidhaahdo “Waa in Ereteriya ka kacdo dhulka Jabuuti siina dayso maxaabiista reer Jabuuti,” laakiin, aanay filayn in ay Ereteriya barbar istaagto,

Arrinta aanan ka gaabsanayn oo runtii in aanu sheegno ay tahay ee xanuunka nagu dhalisay waxa weeye Ereteriya iyo Jabuuti, dagaalkii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday Jabuuti oo dhulkeediina lagaga fadhiyo ciidankeedii geesiyada ahaa ee difaacayayna qaar lagu haysto, iyada oo taasi jirto uu walaalkeen Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo inta uu Ereteriya tagay in uu iyada u noqdo afhayeen oo yidhaahdo ‘Adduunyada waxaanu ka codsanayna in Ereteriya laga qaado cuna qabataynta’ taasina aad iyo aad bay runtii noo damaqday waxaanan u malaynaya in shacabka Soomaaliyeedna sidaa uga damqaday waana taas ta nagu khasabtay in aan mawqifkayaga cadayno oo ah Jabuuti waxay Ereteriya la heshiinaysa marka ay sii dayso askartayada kana kacdo dhulkayaga,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Aadan oo isaga oo jooga Jabuuti u warramay BBC-da.

Xasan Cabdi Xayle oo ah aqoon yahan deggan Ingiriiska ayaa BBC-da u sheegay in ay habboonayd in Soomaaliya barbar istaagto dawladda Jabuuti “Jabuuti iyo Ereteriya marka ay noqoto waxa horumarinta iska leh Jabuuti oo taas qof Soomaali ah la waydiin maayo,” Ayuu yidhi Mr Xayle.

Dawladda Somaliland ayaa ugu baaqday Jabuuti in la gaadhay xilligii ay hurdada ka kici lahayd si ay u kala fahanto cadawgeeda iyo saaxiibkeeda “Jabuuti waxay kala saari doonta kuma saaxiibkeed ah kumaa se cadawgeeda ah? Somaliland waxay Jabuuti u taageertay si kal iyo laab ah markii ay ku jirtay halgankii xornimo doonka, waxaanay wali yihiin bah wadaag weyn oo dhanka ganacsiga ah. Casharka laga bartay hadalka Farmaajo waa mid u baahan in laga falceliyo. Waxa la jooga wakhtigii ay Jabuuti baraarugi lahayd,” Sidaas waxa yidhi Ergayga Somaliland u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo hay’addaha caalamiga ah Danjire Maxamed Warsame Ducaale oo boggiisa Twitter-ka ku qoray farriintan ku socota Jabuuti waxaanu sheegay in ay u muuqato in Madaxweyne Farmaajo ku dawakhay dabaysha isbedelka ee ka socota Geeska Afrika.

Weedhaha dawladda Jabuuti u adeegsatay Soomaaliya ayaa u muuqda in uu si lama filaan ah faro madhan uga istaagay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle dadaalladii taageero ee uu galiyay dawlad dhisidda Soomaaliya isaga oo ilaa xilli Soomaaliya ka baxday ajandaha dunida ku hawlana sidii dawlad loogu dhisi lahaa haddana ciidamadiisu qayb ka yihiin hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya difaaca.

Dadka siyaasadda Odorosa ayaa u arkayay in madaxweyne Geelle muddo dheer indhaha ka lalinayay qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland, islamarkaana taageero ciidan iyo mid siyaasadeed siinayay Soomaaliya, hase ahaatee dabaylaha isbedel ee hoggaamiyaha cusub ee Itoobiya ka bilaabay Geeska Afrika ayaa hadda isku xidhay Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya waxaanay u muuqata in Somaliland iyo Jabuuti dabaysha isbedelku ku moostay xeelliga badda cas.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo caleemo saarkiisa ku sheegay weedha caanka noqotay ee ah ‘ Huunno huunno loo doortay’ iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo xidhiidh fiican ka dhexeeyo ayaan midkoodba la falgalin isbedelka siyaasadeed ee Geeska waxaana la eegaya in isbedel hor leh ku soo biiro Geeska oo Somaliland iyo Jabuuti noqdaan xulufo hor leh, taas oo lafteedu adag maaddaama Imaaraadka oo Somaliland saamayn ku leh ay is diidan yihiin dawladda Jabuuti.

Xigasho Wargeyska Waaberi