Wasiir Abbokor Muxuu ka yidhi Qaabka loo Beddelayo Taarikada Gaadiidka Somaliland & Khilaaf Wasaaraddiisa lagu Sheegay?

WASIIRKA WADDOOYINKA IYO GAADIIDKA SOMALILAND CABDILLAAHI ABBOKOR 2018

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda horumarinta Waddooyinka iyo Gaadiidka Somaliland Cabdillaahi Abbokor Cismaan, ayaa sheegay inaanu jirin in khilaaf culusi u dhexeeyo isaga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas, waxaanu sheegay inay bilaabeen qorshe lagu beddelayo Bilaydh lambarka Gaadiidka iyo dhammaystirka Waddada Ceerigaabo.

WASIIRKA WADDOOYINKA IYO GAADIIDKA SOMALILAND CABDILLAAHI ABBOKOR 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cabdillaahi Abbokor Wasiirka horumarinta Jidadka iyo Gaadiidku waxa uu sidaa ku sheegay mar su’aalo lagu weydiiyey markii uu dhammaystay kulan uu Arbacadii Maanta la yeeshay Guddiga ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxaana su’aalaha ka hor halkaas Warbaahinta kula hadlay markii kulankoodu dhammaaday Wasiir Abbokor iyo Guddoomiyaha Guddigaas Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire.

Wasiirka Horumarinta Waddooyinka iyo Gaadiidka Somaliland oo isna halkaas ka hadlay, ayaa u ballan-qaaday Guddiga Daah-furnaan iyo inay si dhaw ula shaqayn doonaan Guddiga, isla markaana ay Mashuurca Waddada Ceerigaabo ay Somaliland gacanta ku hayso oo cid kale oo ka caawisay jirin.

Qodobbadaas iyo Weliba Jawaabaha uu Wasiir Cabdillaahi Abbokor ka bixiyey Su’aalo la weydiiyey waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose iyo Qoraalka ka sii hooseeya ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

Wasiir Abbokor oo la weydiiyey Warar sheegaya inuu khilaaf ka dhexeeyo Isaga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas oo la sheegay inuu xataa saxeexa ka joojiyey, waxa uu ku jawaabay; “Waxba kama jiraan arrinkaas (Khilaafka), waxaan doonayaa inan kuu caddeeyo Agaasimaha guud wuxuu ku maqnaa Safar caafimaad, Nin ay walaalo yihiin oo Xanuunsanaya ayuu Hindiya u qaaday. Markaa, intaa waxa ku sime ka sii ahaa Agaasinka ku xiga oo Saxeexa haya sida Sharcigu dhigayo, laakiin wax khilaaf ah iyo Saxeex laga joojiyey (aan ka joojiyey) midna ma jiro, warkaasina wax rasmi ah maaha.”

Mar Wasiirka Gaadiidka la weydiiyey qaabka loo beddelayo Bilaydh-lambarrada Gaadiidka ama Taarikada Baabuurta oo uu dhawaan shaaciyey, isla markaana ay Shirkad gaar loo leeyahay Samayso Somaliland sida loo beddelayo iyo Cidda beddelaysa, waxa uu ku jawaabay; “Horta, caalamka dawlad kasta oo jirta Ganacsigu wuu la shaqeeyaa, Innaga Siyaasaddeenna waxaa ka mid ahaa in kalsoonida dawladda iyo Shacabka la dhiso, waxaana jiray Heshiis Ninkaas (Ninka leh Shirkadda Bilaydhada Baabuurta gacanta ku haysa ee samaysa Somaliland) ay la galeen Dawladihii Cigaal, Rayaale iyo Siilaanyo, heshiiskiisu intuu jiro wuu shaqaynayaa, immikana waxaa beddelkan Bilaydhada ka wada shaqaynaya Shirkaddii hore gacanta ugu haysay iyo Wasaaradda.”

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.