Miisaanka Go’aammo laga Soo Saaray Shirkii Nabadaynta Beelaha Ceel-afweyn ee Colaaddu u Dhaxaysay

CULIMADA GOAANNADA NABADAYNTA CEEL-AFWEYN U KALA SEXEEXDAY BEELAHA 2018

Ceel-afweyn(Aftahannews):- Shir-nabadeed labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ka socday magaalada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, ayaa go’aammo wax ku ool ah Arbacadii Maanta laga soo saaray, kuwaasoo Ergada Nabadayntu ku sheegeen kuwo ay u arkeen inay yihiin kuwa ugu habboon ee lagu soo afjari karo Colaad soo noqnoqonaysay muddo dhawr sano ah oo u dhaxaysay laba Beelood oo Walaalo ah oo Ceel-afweyn wada dega.

CULIMADA GOAANNADA NABADAYNTA CEEL-AFWEYN U KALA SEXEEXDAY BEELAHA 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ergada Qaran ee Nabadaynta Beelaha Ceel-afweyn ee go’aammadan soo saaray, ayaa isugu jiray Madax-dhaqan, Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Somaliland soo maray, Culimo iyo Wax-garad kale, kuwaas oo uu hoggaamiye ama hormuud u ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhawr toddobaad ka hor Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u xulay xallinta xaaladda Colaadeed ee Ceel-afweyn ka dhammaan wayday.

Haddaba, Guddi Culimo Waawayn ee Dalka ah oo iyagu iyagoo Shareecada Islaamka eegaya kala xukumay labadaas Beelood. Odayaasha iyo Madax-dhaqameedka labada Beelood ee Dirirtu dhex-martay oo Shirka Ceel-afweyn ka hadlay, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan go’aammada Ergadu soo saartay ee lagu soo afjarayo Colaadda soo noqnoqotay iyo sida ay Guddiga Culimada ahi u kala xukumeen wixii Dil iyo Dhaawac ahaa ee ay Beelahaasi kala sheeganayeen ee intii dirirtu jirtay kala gaadhay.

Gudoomiyaha Guddiga Dhexdhexaadka ee Culimdda Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar iyo Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sheegay in labada Beelood looga baahan yahay in go’aammada ay soo saareen lagu dhaqmo oo la tixgaliyo, isla markaana aanay noqon kuwo la jebiyo sidii go’aammadii marar kala duwan oo hore lagu xalliyey dirirta.

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil-Dheeg) oo ah Afhayeenka Guddiga Culimada ah, ayaa Warbaahinta u akhriyey go’aammada lagu soo afjarayo Colaadda Ceel-afweyn, waxaanu Sheekha oo go’aammadaas akhriyayaa yidhi; “1. Waxaa loo aqoonsaday in dagaalkaasii uu ahaa dagaal Qabiil oo fidmo ah oo aan diinta meelna kaga jirin, dadkiina waxaa laga dalbaday in ay denbi dhaaf iyo toddobaad la yimaaddaan.

2. Heshiishyadii hore ee Beeluhu hore u gaadheen iyo wixii go’aan ee Guurtidu soo saartay waa in sidoodii loo fuliyo.

3. Dhimshada wiixii dad ku kala dhintay beelaha ee laga heshiiyey ama go’aan ka soo baxay waxaanu xukunnay in loo fuliyo sidii loogu heshiiyey, wixii aan hore heshiish ka soo bixin ama go’aan ka soo bixin ee ku saabsan dhimasho, dhaawac iyo hanti, waxaanay yihiin labaatan qof oo beeluhu iska dileen intii ka dambaysay go’aamadii hore ee laga heshiiyey.
4. Dhaawacyadda, waxa loo kala xukumay 136 qof oo labadda dhinac iska dhaawaceen.

5. Dacwadda dhulka iyo deegaanka waxa aanu ka xukunay in umadda wada leedahay oo aan la kala sheegan Karin, in ceelasha la wada cabo, daaqa la wadaago si cadaalad ah looga fa’iidaysto, cidii deegaan cusub rabta inay samayso sida Tuulo, Baraago, Beero waa inay fasax ka qaatan dawlada oo labada dhinac ku heshiiyaan si aanay fidmo dambe uga dhalan, hadii cidi samayso deegaan cusub cid kale xaq uguma laha inay kula dagaalanto ee waa inay dacwadeeda u gudbiso dawladda.”

Shir-nabadeedka go’aannadaas laga soo saaray shalay ee labadii toddobaad ee u dambeeyey socday waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici, Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Culimo, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Madax-dhaqameedka, Wax-garadka, Odayaasha iyo Aqoonyahanka labada Beelood ee Dirirtu u dhaxaysay iyo Mudan kale oo Qaybaha Bulshada ka socday, kuwaas oo dhinacyada la heshiisiiyey si faahfaahsan ugala hadlay muhiimadda nabadgelyadu u leedahay noloshooda, wada-noolaanshohooda iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland.

Warkaas oo Dhammaystiran xataa Hadalladii Madasha laga jeediyeyna waxaad kaga bogan kartaan Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.