Roob Duufaan Wata Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka Da’ay Degmada Sallaxlay

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Hargeysa(Aftahannews):- Ugu yaraan hal Qof, ayaa dhintay, Dad kalena way dhaawacmeen, Roob Duufaan watay oo caawa fiidkii ka da’ay degmay Degmada Sallaxlay ee gobolka Maroodi-jeex iyo Tuulooyin hoos yimaadda, waxaana ku dumay Guryo Boqol gaadhaya, sida ay Warbaahinta Aftahannews.com u xaqiijisay Xildhibaan Kawsar Aw Cali oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha deegaanka ee degmada Sallaxlay.

BREAKINGNEWS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xildhibaan Kawsar Aw Cali oo Khadka Taleefanka ugu warrantay Cabdifataax Is. Mursal oo ah Tifaftiraha Aftahannews.com, ayaa sheegtay in Guryaha dumay ay ku jiraan Gurigeeda iyo Gurigii Guddoomiyaha degmada Sallaxlay iyo Weliba Cusbitaalkii guud ee magaaladaas.

Waxa ku dhintay Wiil yar Sallaxlay gudeheeda, halka ay Dhawr Qof oo kale ku dhaawacmeen Tuulada Baha-dhamal oo Sallaxlay ka tirsan. Guryaha ayaa badankoodu dumeen, halka qaarna uu Jiingadda kala tegay Roobka Duufaanta wataa.

17-ka Bishii May ee sannadkan, ayey ahayd markii Roobabka Duufaanta la magac-baxday Sakar ay ka bilaabmeen deegaannada Xeebaha Somaliland, kuwaas oo sababay dhimashada ku dhawaad Lixdan Ruux, Dhaawaca labaataneeyo Qof, Kumannaan Xoolo ah, Guryo Badan iyo Boqollaal Beerood oo Roobabka Duufaanta watay la tageen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.