Meydka Carruur laga helay meelo kala duwan oo lagu aasay Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Meydka Laba Carruur ah oo laga helay meelo kala duwan ayaa toddobaadkan la soo gaadhsiiyey Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ka dib markii la soo helay, waxaana Meydadkooda lagu hayey Qolka Meydka.

NEWS

Labada Carruur ah ayaa la sheegay in ay tureen Hooyooyinkii dhalay, wallow wararka qaarkood sheegayaan in mid ka mid ah Carruurta Meydadkooda la tuuray la qabtay oo Booliisku baadhayaan sababta ku kaliftay.

Sarkaal ka tirsan Cisbitaalka Hargeysa ayaa Ramaas u sheegay in Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ku shaqo leh arrimaha caykan oo kale ahi Aaseen labada Carruur ah kadib markii ay muddo yaaleen Qolka Meydka.

Dhacdadan oo ah mid naxdin leh isla markaana ku soo kordhaysa Hargeysa ayaa ah mid ka dhalata dhaqanada Xun xun ee ay dadku ku kacaan, iyadoo marka ay dhashaan Ubadka ka beerma dadka sida sharci darada ah isugu tagaa ay tuuraan Ubadkaas aan waxba galabsan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.