Guddoomiye Muungaab oo Dhiggiisii hore ee Tarsan Xilka kala wareegay

Muqdisho(Aftahannews):- Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Xassan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Guddoomiyihii Hore Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

49F8CF66-7E9F-4D47-A38C-BEC71338FA96_w443_r1_cy15

Xaflada xil wareejinta oo ka dhacday maanta oo Talaada ah Xarunta KMG ah ee Gobolka Banaadir ee Degmada Xamar Weyne, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha gudaha iy Federaalka C/llaahi Goodax Barre, xubne kale oo ka tirsan golayaasha dowladda, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kooxda Fanaaniinta Qaranka ee Hobolada Waabari ayaa xafladda ku soo bandhigay suugaan ka tarjumeysa wadaniyadda iyo marxaladda ay Somalia ku jirtay 23kii sanadood ee la soo dhaafay.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir  Maxamuud Axmed “Tarsan” oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu si niyad samaan ah xilka ugu wareejiyay Guddoomiyaha Cusub wuxuuse kula dardaarmay inuu ka feejignaado qodxo badan oo uu sheegay inay ku gudbanyihiin dariiqa .

Guddoomiyaha cusub oo isna goobta ka hadlay ayaa balan qaaday inuu wax weyn ka bedelli doono amaanka Gobolka Banaadir, isagoo ka codsay shacabka iyo dowladda inay gacan ku siiyaan gudashada waajibkiisa.

Mar uu ka hadlayay qorshihiisa ayuu guddoomiyihu ku sheegay in maamulkiisu uu ahmiyadda 1aad siin doono amaanka .

Wuxuu sheegay in dhamaan hayadaha AMNIGA gobolka Banaadir sida taliska Police ka qeybta guud ee gobolka iyo taliska Hayadda Nabad sugidda iyo sirdoonka Gobolka Banaadir ay si toos ah u hoos imaan doonaan maamulkiisa, si uu awood ugu yeesho inuu wax ka qabto amaanka gobolka.

Waxaa kaloo uu sheegay inuu ahmiyad gaar ah siin doono, nadaafadda Gobolka iyo isu celinta hantida la kala heysto.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.