Wiil Madaxweynuhu Abti u yahay oo la sheegay inuu xubin ka ahaa Kooxdii Weerartay Madaxtooyada

Muqdisho(Aftahannews):- Weerar toddobaadkii hore Koox ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay dhalinyaradii fulisay inuu ka mid ahaa Wiil uu Abti u yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyn_Xassan_wiil_uu_abti_u_yahay

Warkan oo lagu faafiyey Shabakadda Somaliweyn.org oo aannu warkan ka soo xigannay, ayaa warbixinta lagu shaaciyey xogtaas, waxay Shabakaddu ku bilawday sidan:- “Toddobaadkii hore weerarkii lagu qaaday Madaxtooyadda Shaki kuma jiro in uu ahaa mid aad looga soo Qorsheeyay, laakiin ilaa iyo hada Warbaahinta lama siin Warar Faah-faahsan, walina Xukuumaddu kama aysan Jawaabin Su’ashaa ugu Muhiimsan oo ah: Sidee bay Shabaab ku soo galeen Madaxtooyadda?

Kooxdaan “Qaswadayaasha” ayaa Qandaraas waxey kusoo qaateen in ay Booska Madaxweynenimada ka wareejiyaan Xasan Shiekh Maxamuud, weerarkaan wuxuu ahaa iskuday la doonayay in Weerar lagu dillo Madaxweynaha, haduu fashilana, Qorshaha labaadin uu noqdo in la Ololeeyo oo la diyaariyo Casilaadda Madaxweynaha.

Qaswadayaasha ayaa filanaya in ay Lacag farabadan uga timid Dowladda kamid ah Midowga Yurub (EU), sida Dowladda Talyaanigga iyo Norway, kadibna Lacagtaa lagu hadhqiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya “Baarlamaanka Lacagta lagu shubto”.

Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta daaha ka fayday mashruuca lagu ifinayo Magaalada Hargeysa, waxayna bilowday laambado ku shaqeynaya Soolar lagu xidhayaa qaybaha kala duwan ee caasimadda, gaar ahaan meelaha madow oo habeenkii dadku dhibaato ku qabaan.

Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay in mashruucan bilowgiisii hore uu ku kacay $ 200.000 doolar, taasi oo qayb ka mid ah ay dawladda dhexe bixisay.

Maayarka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Mashruucan bilowgiisii hore waxa uu ku kacay $ 200.000 doollar, boqol kun waxa bixisay dawladda dhexe, inta kalena waxa bixisay dawladda hoose, waxaanan dadwaynaha cashuurtii ay bixiyeen aanu ku bixinay mashruucan aad-baad u mahadsan tihiin ayaanu lahayn”

Laambadahan oo ah kuwo waaweyn ayaa laydhkooda habeenkii wax badan ka tari doonaa Madowga Magaalada Hargeysa.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixintan aannu Somaliweyn.org ka soo xigannay.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeeysa/Somaliland.