Soltelco oo sheegay inay bilaabeen Laambado Cadceedda ku shaqayna oo lagu iftiiminayo Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta bilawday mashruuc ay Masuuliyiinteedu sheegeen lagu horumarinayo iftiinka dhinaca Laydhka ee magaalada Hargeysa, iyaga oo qotomiyey Laambad ku shaqaynaysa Cadceedda.

LAAMBADDA CADCEEDDA KU SHAQAYSA

Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay in mashruucan bilowgiisii hore uu ku kacay $ 200.000 doolar, taasi oo qayb ka mid ah ay dawladda dhexe bixisay. Waxaanu intaa ku daray inay qaybaha kala duwan ee magaalada ka hirgelin doonaan Iftiiminta Laambadaha Cadceedda ku shaqaysa.

“Mashruucan bilowgiisii hore waxa uu ku kacay $ 200.000 doollar, boqol kun waxa bixisay dawladda dhexe, inta kalena waxa bixisay dawladda hoose, waxaanan dadwaynaha cashuurtii ay bixiyeen aanu ku bixinay mashruucan aad-baad u mahadsan tihiin ayaanu lahayn.” Sidaa ayuu yidhi Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan-Soltelco.

Waxa uu sheegay Maayerka Hargeysa oo goobta Laambaddaa laga qotomiyey warbaahinta kula hadlay maanta, inay Laambadahan oo kuwo waaweyn ahi ay wax badan ka tari doonaan Iftiin ahaan qaybaha kala duwan ee magaalada iyo sidoo kale guud ahaan nabadgelyada Caasimadda.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.