Nuxurka Heshiis ay kala Sexeexdeen Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo dawladda Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):-  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu kala saxeexday heshiis lagu xoojinayo xidhiidhka ka dhexeeya labada dhinac iyo horumarinta wada-shaqaynta hawlaha labada garab.

2014226635289936705109922Heeshiis_UN_ka_Somalia_2

Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goob-joog ka ahaa heshiiskan dhex-maray dawladdiisa iyo Qaramada Midoobay, waxaana dhanka Soomaaliya heshiiskaa u saxeexay Wasiirka arrimaha dibedda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, geesta Qaramada Midoobay-na waxa u saxeexay Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Dajire Nicholas Kay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey kulankaas uu heshiisku ku dhex-maray labada dhinac, ayaa soo dhaweeyey heshiiskaas oo uu ballan-qaaday inay dawladdiisu dhaqan-gelin doonto waxa dhinaceeda ku xidhan sida ugu habboon loo hirgelin doono maanta laga bilaabo.

“Waxaan u mahad-celinayaa Guddigii ka kala socday Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya oo in muddo ahba kasoo shaqeynayay heshiiska oo ah mid sii xoojinaya xidhiidhka Soomaaliya iyo Qaramada Midooba. Dowladda waa ka go’an tahay dhaqan-gelinta heshiiskan, waana saldhigga wada-shqeynta iyo gar-gaarka shacabka Soomaaliyeed.” Sidaa aayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaanu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo yidhi; “Waxaan ugu baaqayaa Hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya inay hubiyaan in heshiiyadoodu aanay dhacsanayn, isla markaana cusbooneysiiyaan haddii uu ka dhacay. Dhammaan heshisiyadu waa kuwo muhiim u ah wada-shaqeynta iyo illaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle, ayaa isaguna sheegay in gar-yaqaannada labada dhinac ay si taxadar leh uga soo shaqeeyeen heshiiskan oo ah mid labada dhinacba ay ku wada-qanacsan yihiin, isla markaana qeexaya waajibaadka iyo xuquuqaha labada dhinac.

Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo isna ka hadlay heshiiska, ayaa ku tilmaamay mid dan u ah dalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta la hirgeliyo Saxeexa heshiiskaas laba geesoodka oo uu rejeeyey inuu sidiisa u fili doono mustaqbalka dhaw.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.