Guurtida oo Guddi u magacaabay dilka Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Xaaji-Saalax

Hargeysa(Aftahannews):- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Guddi u magacaabay ka soo war-bixinta sababta iyo qaabka uu u dhacay dil habeen-hore koox dablay ahi ku fuliyeen Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Xaaji-Saalax oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh ee dalka Somaliland.

SALEEBAAN-GAAL

golaha-guurtida_kk016

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa manta ka hadalay dilkaas ka dhacay demgada Xaaji-Saalax ee gobolka Daad-madheedh, falkaas oo uu sheegay inuu ka xun yahay, Tacsina u dirayo qoyska, ehelada, qaraabada uu Marxuumku ka baxay, waxaanu Illaahay ka beryey inuu caafimaad siiyo Sarkaal caafimaad oo ku dhaawacmay falkaas Taliyaha lagu dilay.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Guurtidu in arrinta  halkaas ka dhacay  ay tahay mid aad khatar u ah, in badan ay soo noqnoqotay, isla markaana ay Golaha Guurtidu gurmad ka geli doonto arrintaasoo ay sida ugu dhakhsa badan uguna  wanaagsan u geli doonaan, iskuna dayi  doonaan in ay soo afjaraan, si aanay taas oo kale iyo mid la mid ahi toona u dhicin.

Sidaa daraaddeed-na waxa uu Sheegay Guddoomiye Saleebaan inay Gole ahaan u magacaabeen Guddi Xildhibaanno Golaha Guurtida ka tirsan ah oo sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan uga soo warbixisa dilkaas, sida uu u dhacay, waxa sababay iyo weliba sida xalkeedu ku habboon yahay, kana hawlgala soo afjaridda arrintaas iyo wax la mid ah oo deegaankaas ka dhaca.

Magacyada Xubnaha Guddiga uu Guddoomiyaha Guurtidu dilka Xaaji-Saalax u magacaabay waxay kala yihiin sidan:-

1 Xildhibaan Suldaan Ismaciil Suldaan Cabdiraxamaan (Guddoomiye)

2  Xildhibaan Cabdinasir Cabdilahi Beegsi (Xogahaye)

3 Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur Jiciir

4 Xildhibaan Cabdillaahi Ibarahim Xirsi

5 Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye

6 Xildhibaan Cabdillaahi Maxamed Xaaji Huruuso

7 Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac

8. Xildhibaan Axmed Waabbari Maydhane

9 Xildhibaan Diini Cabdillaahi Hande.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.