Ciidammada Booliska Somaliland iyo Itoobiya oo Deegaanno kala duwan ku qabtay Afar qof oo ONLF ka tirsan

Hargeysa(Aftahannews):- Ciidammada Booliska Somaliland ee gobolka Hawd, ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Laba nin oo xubno ka ahaa afar ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Jabhadda ONLF ee dagaalka hubaysan kula jirta dawladda Itoobiya, halka labada qof ee kalana ay qabteen Liyuu Booliska dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ma jiro war ay si toos ah uga soo saareen qabashada afartaas ruux dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, hase-yeeshee, sida ay dad goob-joogayaal ah iyo ila-wareedyo ka agdhaw Booliska gobolka Hawd ay u xaqiijiyeen Wargeyska Himilo, waxa afartaa ruux oo is-qaybiyey, isla markaana mid ka midi Haweenay ahayd ay lababa dhinac isu raaceen, isla markaana labada hore ay Ciidanka Liyuu Booliska loo yaqaanno ee dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Killalka Shanaad ka qabteen deegaanka Xarshin ee dhinaca Itoobiya, kuwaasoo markii la qabtay ka dib sheegay inay laba ruux oo kale la socdeen oo ay ku kala baydheen duleedka degmada Balli-cabbane oo ka tirsan gobolka Hawd.

“Intii aan warkooda hayey waxay waxay ahaayeen afar qof saddex nin iyo gabadh, markaa way is-qaybiyeen oo lababa dhinac bay u wada socdeen, markaa ninkii iyo gabadhii ayaa lagu qabtay Xarshin agteeda oo ay qabteen Ciidanka Liyuu Booliska Killalka Shanaad ee Itoobiya, ka dibna waxay sheegeen inay laba kale la socdeen.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dad si dhaw ula socday qaabkii loo qabtay afarta ruux ee la sheegay inay ka tirsanaayeen Jabhadda ONLF oo xalay khadka taleefanka ugu warramay Wargeyska Himilo.

Waxaanu ruuxaas oo ka cudur-daartay in magiciisa la shaaciyo uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Markaa, labadii kale ayay Ciidanka Itoobiyaaku raadsadeen, siday u raadinayeen waxay la soo mareen meel Balli-cabbane ku dhaw, markaas magaalada ayay yimaaddeen markay sheegeen waxay u socdeen, waxa lagu yidhi iska noqda. Dabadeedna waxa loo sheegay Taliyaha qaybta Booliska gobolka Hawd oo markaa joogay Sayla, isaguna wuxu yidhi; ‘Hawshaa annagaa galayna ee iska noqda maaddaama oo ay xagga Somaliland u soo tallaabeen dadkaasi, sidaas ayay Itoobiyaanki ku noqdeen.”

“Markaa, dadka deegaanka waa la war-geliyey oo soo sheega ayaa la yidhi haddaad aragtaan dad sidaas ah, sidaa daraaddeed, labadaa nin waxay tageen deegaan lagu magacaabo Lafa-la-mood oo u dhaxaysa Sayla iyo Balli-cabbane, ayay Masaajid galeen, halkaas ayaa lagu qabtay markii dadka deegaanku soo sheegeen, ka dibna Balli-gubadle ayaa loo dhaadhiciyey.” Sidaa ayuu yidhi Masuul ka gaabsaday in magiciisa la shaaciyo oo u warramay Wargeyska Himilo xalay.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Hawd iyo Badhasaabka gobolkaas oo aannu isku daynay inaannu dhinacooda warkan wax ka weydiinno, ayaanay noo suuragelin inaannu wax war ah ka helno ka dib markii aannu Taleefannadooda ku waynay.

Xigasho Wargeyska HIMILO.