Foosiya Yuusuf X. Aadan oo iska difaacday eedaymo musuq oo loo jeediyey Reuters-na u hanjabtay

Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan

Nairobi(Aftahannews):- Raysal-wasaare Ku-xigeenkii hore ahna Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Xukuumaddii Saacid Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa gaashaanka ku dhufatay jiritaanka eedo musuqmaasuq oo loo jeediyey, isla markaana ku tilmaantay kuwo xaqiiqda ka fog oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan

Foosiya waxay sheegtay inay Garyaqaanno kala tashanayso fadeexad been-abuur ah oo ay sheegtay inay ka faafisay Wakaaladda Wararka ee Reuters, taasoo ay sheegtay inay Maxkamad la tiigsan doonto, isla markaana uga fadhido caddeymaha eedaymo musuqmasuq oo ay ka faafifisay Wakaaladdaasi.

Warbixin ay baahisay Wakaaladda wararka ee Reuters oo lagu sheegay inay Foosiya Yuusuf X. Aadan ka mid ahayd Masuuliyiin Guddoomiyihii hore ee Baanka Soomaaliya iska casishay Yusur Abraar ku khasbay inay Bangi ku yaal dalka Imaaraadka Carabta ka furto Sanduuq-xisaabeed (Account) lagu shubo lacag la musuqmaasuqayey, taasoo ay ku doodday inay awgeed isu-casisho.

Foosiya, waxay ku doodday inaanay warbixintaas waxba ka jirin, falal musuqmaasuq oo ay ku kacdayna haba-yaraadaane aanay jirin, waxaanay Foosiya oo ka hadlaysaa tidhi; “Reuters nasiib-darro iyada oo aan cidna waxba weydiinin ayay warka iska qoreen, waxaanay u barteen in Soomaalida wixii la doono laga qoro oo aan laga deba tegin, waxaanay aniga iyo Madaxwaynaha Soomaaliya nagu eedaynaysaa inaannu Guddoomiyihii hore ee Baanka ku khasabnay inay xisaab (Account) furto, oo laga yaabo in lacag lagu xado.”

Waxay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo u warrantay Idaacadda VOA Laanteeda Afka-Soomaaliga ay sheegtay inaan warbixintaas wax iyada laga weydiiyey jirin ee ay dhinac ka rarnayd, isla markaana eedaynta loo jeediyey ay ahayd meel-ka-dhac weyn oo loola badheedhay in sumcaddeeda iyo karaamadeeda lagu waxyeelleeyo oo lagu wiiqo.

“Waxay meel ka dhac weyn ayay sameeyeen, Reuters-na jawaab adag ayaan u qoray, waxaanan u sheegay inaan Looyarro (Garyaqaanno) kala tashanayo, waxaanan diyaar u ahay inaan Maxkamad ku soo taago arrintaasi. Aniga iyo Madaxwaynahaba waxay naga dhigeen dad dalka dembi ka galay. Markaa, Reuters waannu kala xisaabtamaynaa, caddaymana waannu ka rabnaa.” Sidaa ayey tidhi Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo waqtigan ku sugan magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya.

Cabdifataax I. Mursal

Mrmursal@gmail.com

Aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.