Qaramada Midoobay oo ka dayrisay nolosha Konton Kun oo Carruur Soomaaliyeed ah

Nairobi(Aftahannews):-Qaramada Midoobay, ayaa walaac weyn ka muujisay nolosha konton kun oo Carruur ah oo ku nool waddanka Soomaaliya, isla markaana ay sheegtay inay soo food-saartay macaluul u baahan in looga gurmado.

Philippe-Lazzarini1

Philippe-Lazzarini-oo-boqdey-xero-ku-taalla-Somaliya-300x300

Philippe Lazzarini oo ah madaxa ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee qaabbilsan gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay liidato xaaladda 50,000, oo Carruur Soomaaliyed ah oo uu sheegay inay u baahan yihiin gurmad deg-deg ah iyo gargaar bina-aadaminnimo oo lagu badbaadiyo nolosha ubadkaas.

Philippe Lazzarini, waxaa uu sheegay in carruurtas Soomaaliyed ay ubaahanyihiin in wax loo qabto si dib loogu soo celiyo nolashooda,mas’uulka waxaa uu sidoo kale farray deeq-bixiyeyaasha lacag dhan $933 milyan oo uu sheegay in lugu fulinayo howlgallada bini’aadannimo ee ay ka sameyneyso Soomaaliya sannadkan.

Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday in deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ay lacag yar soo gaarsiiyeen Soomaaliya, maxaa yeellay waxay ku mashquulsan yihiin sidii wax looga qaban lahaa mashaakilaadka ka taagan Syria, Koonfur Sudan iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Dalabka Qaramada Midoobay waxaa uu imaanaya xilli deeq-bixiyaasha caalamku ay cabsi ka qabaan is-dabamarinta iyo musuqmaasuqa lacagta gargaarka ee loogu talagalay Soomaaliya.

Hadalka Philippe Lazzarini,waxaa uu imaanaya xilli dhawaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu baaqay deeq-bixiyeyaasha inay fuliyaan ballan-qaadyadii gargaarka ee ay u sameeyeen dowladdiisa.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.