Mourinho Oo Ka Faa’idaysanaya Khilaafka Juventus Iyo Dybala

Manchester United ayaa qiimayn ku samayn doonta xaalada Weeryahanka Kooxda Juventus Paulo Dybala, kaas oo la ogson yahay in uu jiro khilaaf labada dhinac u dhexeeya.

Jariirada The Daily Star ayaa ku waramaysa in hogaamiyaha Kooxda United Jose Mourinho uu ka war qabo baahida Kooxda Cimaaliqada gobolka Catalania ee Barcelona, taas oo wali u muuqata mid aan helin bedelkii Neymar.

Barca ayaa dhaafsatay ciyaariyahanka reer Brazil ee Neymar adduun dhan £222million, balse doonaysa in Dybala ay ku qanciso imaatinka Camp Nou, kaddib markii uu shabaqa tagay 12-jeer, xilli uu sidoo kale caawiyay 6-kale kulamada italian Serie A.

Kooxda Bundesliga ee Bayern Munich ayaa sidoo kale qayb ka ah tartanka loogu jiro ciyaariyahanka reer Argentina ee Paulo Dybala, xilli la ogson yahay in uu jiro xidhiidh fiican oo u dhexeeya dhinacyada Jarmalka iyo Talyaaniga.

Hadaba sida uu shaaca ka qaaday “Daily Star” Jose Mourinho ayaa u diyaarinaya in Juventus uu miiska u saaro adduun dhan £ 60 million, si uu ugu qanciyo saraakiisa Bianconeri in laacibkoodan uu u dhaqaaqo garoonka Old Trafford.

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu sameeyo saxiixa ciyaaryahan weyn ee xidhan kara No 10-aad kooxda Manchester United, maadaama uu u muuqdo in aannu wali ku qanacsaneen awooda ciyaareed xiddigaha Juan Mata iyo Henrikh Mkhitaryan, sidaas darteed wuxuu ka shaqeenayaa in Paulo Dybala uu kasoo dajiyo kooxda Manchester United xili ciyaareedka soo aadan.

Khadar Jamac Dirir