Mourinho Iyo Man.United: Jihaddii Bixitaanka Iyo Amakaaga Diciifnimadda

Manchester United ayaa hoos u dhigtay rabitaankeeda ku aadanaa in heshiis cusub ay ka saxeexato macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho, maadaama ay natiijada kooxda si xoogan uga fogaatay loolanka ay ugu jirto xili ciyaareedkan ku guuleysiga horyaalka Premier League.

Wargeyska Daily Mirror ayaa sheegay in maamulka kooxda Manchester United ay go’aansadeen inay joojiyaan dadaalada ay ugu jireen heshiis kor dhinta macalinka reer Portugal, kaasoo la filayay inuu dhaco toddobaadyada  soo socda, kadib markii uu xili ciyaareedkii la soo dhaafay uu ku hogaamiyay ku guuleysiga saddex koob.

Laakiin Manchester United ayaa 13 dhibcood u jirsatay dhigeeda Manchester City, waxaase intaasi sii dheer in hoos u dhac weyn uu ku yimi qaab ciyaareedkii ay kaga bilaawdeen xili ciyaareedkan, taasoo ku kaliftay saraakiisha United inay hoos u dhagaan qorshaha ku aadan heshiis kor dhinta Jose.

Daily Star, Maamulka Man United ayaa go’aamiyay in dib loo dhigo heshiiskii hore loo qorshayay in laga saxeexo tababaraha reer Portugal.

Inkasta oo kooxda uu u gacan galiyay 3-koob xiliciyaareedkii hore, laakiin Mourinho ayaa xili-ciyaareedkan ku guul daraystay inuu la tartamo dariskooda Man City oo haatan ka saraysa 13-dhibic kadib barbarihii kooxdu ay xalay la gashay Leicester City.Waxaa xusid mudan in Mourinho uu dalab ka helayo kooxda reer France ee PSG.

Khadar Jamac Dirir