Coutinho, Bale iyo Sanchez Oo Hoggaaminaya Xiddigaha Bixi-doonna Bisha January

Suuqa iibka ciyaaryahannada ayaa furmaya bisha January ee dhawrka maalmood ka hadhsan yihiin, halkaas oo fursad ay uga bannaanaan doonto laacibiin ay heshiisyada ay kula jiraan naadiyadoodu dhamaad ku dhow yihiin iyo kuwo kale oo dabada ka riixaya in loo ogolaado inay ku biiraan kooxaha ay rabaan.

Waxa kale oo jira, laacibiin ay naadiyadoodu ka niyad-jabeen qaab ciyaareedkooda ama dhaawacyo kusoo noqnoqday, kuwaas oo ay ka iibinayaan kooxo in badan daba ordi jiray.

Ciyaaryahannada ugu magaca weyn ee ay suurtogalka tahay inay kooxahooda ka tagaan bisha January, waxa ka mid ah Alexis Sanchez oo qandaraaska uu kula jiro Arsenal uu dhamaanayo badhtamaha sannadka dambe, taas daraadeedna ay kooxdiisu ku khasbanaanayso inay iibiso.

Halkan ka akhriso magacyada 12 ciyaartoy oo ay suurtogal tahay inay ka tagaan kooxahooda

Alex Sandro: Difaaca bidix ee Juventus waxa lala xidhiidhinayaa kooxda Chelsea oo muddo dheer daba socotay

Alexis Sanchez: Manchester City ayaa heegan ugu jirta xaaladdiisa, waxaana ay u diyaarinaysaa booskii uu ka ciyaari lahaa haddiiba ay u suurtogasho inay helaan.

Gareth Bale: Manchester United ayaa la sheegay inay lacag badan u diyaarisay si ay ugaga beddelato Real Madrid.

Danny Rose: Tottenham ayuu difaaca bidix uga ciyaaraa, waxaase lala xidhiidhinayaa Manchester United.

Barkley: Laacib dhexda uga ciyaara Everton, hase yeeshee ay suurtogal tahay inuu ku biiro Tottenham.

Greizmann: Atletico Madrid ayuu ka tegi doonaa si uu ugu biiro Manchester United haddii laga heshiiyo lacagta lagu kala qaadanayo.

Ozil: Manchester United ayaa geed-dheer iyo mid gaabanba ugu taagan si ay u hesho, heshiiska uu kula jiro Arsenal na waxa uu dhacayaa badhtamaha 2018.

Van Dijk: Difaac bir ah oo u ciyaara Southampton, hase yeeshee kusii jeeda Liverpool.

David Luiz: Waxay isku dhaceen tababaraha Chelsea, taasina waxay siisay fursad uu ugu biiro Arsenal ama Real Madrid.

Wilshere: Dhexda kubbad jiidista badan ee Arsenal, waxa loo badinayaa inuu ku biiri karo West Ham United.

Philippe Coutinho: Kubbad-sameeyaha reer Brazil waxa uu shandadiisa u xidh-xidhanayaa waddanka Spain iyo Kooxda Barcelona.

Mkhitaryan: Waxa uu ka calool go’ay Jose Mourinho oo ciyaarsiin waayey, waxaana uu doonayaa inuu iska xaadiriyo Borussia Dortmund.

Khadar Jamac Dirir