Wasiirkii Labaad Oo Iska Casila Xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)-Waxa xilkii wasiirka Maaraynta Masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya iska casishay Dr Maryan Qaasim, iyadoo noqonaysa Wasiiradii labaad oo is casishay muddo laba bil gudahood.

Wasiirrada ayaa la sheegay in ay is casilaadeeda u gudbisay wasaarrada islamarkaana ay dhawaan faah faahin doonto sababaha ay isku casishay.

Lama oga ilaa sababta ay isku casishay Wasiirada, hasse ahaatee warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in maalmihii ugu danbeeyay uu jiray khilaaf ka dhashay Maareynta Masiibadii ka dhalatay Qaraxii Zoobe.

Laakiin Qoraal kooban oo ay soo dhigtay Bogga Twitter –ka ayay ku sheegtay in ay shaqada uga tagtay daruufo iyada oo u gaar ah.