Ka Fadhiisiga Zlatan Ibrahimovic Ciyaaraha Caalamiga Ah Iyo Baaqii Ku Soo Laabashadda Xulka Swden

Weeraryahankii ka fadhiistay ciyaaraha Caalamiga ah ee Zlatan Ibrahimovic ayaa loogu baaqay inuu ku soo laabto xulka qaranka dalkiisa Sweden kadib markii ay xaqiijiyeen in ay u soo baxeen koobkaas.

Zlatan Ibrahimovic oo 36 sano jir ah una diiwaan gashan Manchester United ayaa shacabka dalka Sweden waxa ay ugu baaqeen in uu ciyaaro koobka adduunka islamarkaana uu ka laabto Go’aankii uu kaga fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah.

Macalinka Guusha Taariikhiga ah gaadhsiiyey Xulka dalka Sweden Erik Hamren ayaa dhankiisa soo dhaweeyay in Zlatan Ibrahimovic  ku soo laabto xulkiisa si ayuu yidhi aan uga faa’iidaysano waayo aragnimadiisa aad ayaa ugu farxi lahaa ayuu yidhi haddii uu ku soo laaban lahaa ciyaaraha xulka dalka Sweden.

Banaanbaxdo waaweyn ayaa ka dhacay Magaalooyinka Waaweyn ee dalka Sweden banana-baxayadaas oo loogu dabaal degayey Guushii ay ka gaadheen dalka Talyaaniga waxaana dadweynaha Sweden ka codsadeen Zlatan Ibrahimovic  in uu ku soo laabto xulka qaranka Sweden.

Khadar Jaamac Dirir

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.