Real Madrid Iyo Man United Oo Waddahadal Hoose Ka Yeeshay Doonista Gareth Bale

Maamulka kooxda kubada Cagta Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday qiimaha ay kama dambays kaga iibin doonaan Manchester United ciyaaryahanka bartilmaameedka u ah ee Gareth Bale kaas oo ay hoos u dhigeen qiimaha lacageed ee ay ku doonayaan.

Real Madrid ayaa u sheegtay Manchester United in ugu yaraan ay kaga iibin doonaan ciyaaryahanka dalka Wales  ee Gareth Bale adduun lacageed gaadhaya £62m’taas oo aad uga yar tii ay Tottenham kaga iibsadeen Sanadkii 2013.

Gareth Bale oo ay dhaawacyo diloodeen ayaa bartilmaameed ah Manchester United waxaana ay doonayaan in ay dib ugu soo celiyaan Horyaalka dalka England balse lama oga in ay ku iibsadaan qiimaha lacageed ee Real Madrid sheegtay in ay ugu danbayn ku iibin doonaan.

Khadar Jaamac Dirir

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.