Magacyada iyo Da’da Carrruur Guri Gubtay Ku Geeriyooday, Aabbaha Dhalay iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Ka Hadlay

GURI AFAR CARRUUR AHI KU GUBATAY OO HARGEYSA KU YAALLA 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Afar Carruur ah oo Walaalo ahaa oo ku dhintay Dab xalay ka kacay Guri ay degganaayeen oo ku yaalla Xaafadda Sheedaha oo ka tirsan degmada Ibraahin Koodbuur ee magaalada Hargeysa oo ay sidoo kale ku dhaawacantay Hooyada Ubadkaas dhashay oo lagu magacaabo Khadra Ismaaciil.

GURI AFAR CARRUUR AHI KU GUBATAY OO HARGEYSA KU YAALLA 2017

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Allaah uga beryey inuu Caafiyo Hooyada Carruurtaas geeriyootay dhashay ee dhaawaca ah, Ubad khayr leh iyo Cawil Barakaysan oo kalena Allaah siiyo Hooyada iyo Aabbaha Carruurtaas dhalay, Samir iyo Iimaanna ka siiyo Ubadkaas noqday ee Dabka Guriga gubay ku nafwaayey.

Gurigaas oo Jiingad ahaa ayey ku geeriyoodeen Afar Carruur ah oo Walaalo ahaa, halka Hooyadii dhashayna ay ku dhaawacantay Dabkaas Guriga qabsaday Xalay Niskii dambe, isla markaana waxa Hooyada Qoyskaas ee dhaawacu ka soo gaadhay Dabkaa Ubadkeeda galaaftay, ayaa lagu dawaynayaa Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay Wasiirro iyo Masuuliyiin kale oo Xukuumadda ka tirsani ku Booqdeen Axaddii Maanta. Carruurtaas Afarta ah ee Dabkaa ku geeriyooday, Da’dooda iyo Magacyadoodu kala ahaayeen sidan; 1. Suhur Maxamed Ismaaciil 13 jir, 2. Marwo Maxamed Ismaaciil 8 jir, 3. Anas Maxamed Ismaaciil 5 jir iyo 4. Nimco Cabdi Ismaaciil 2 jir.

War-Saxaafadeed Qoraal ah oo Caawa ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha, Xuseen-Dayr, ayaa Nuqul ka mid ah oo Warbaahinta Aftahannews.com soo gaadhay caawa, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Carruurtii xalay gelinkii dambe (habeen-hore) (24.09.2017) Dabkii ka qarxay Xaafadda Ibraahim Koodbuur ee Hargeysa ku naf-waayey, kuwaas oo ahaa afar Carruur ah, halka ay Hooyadii dhashayna dabkaa ku dhaawacantay. Carruurtaasi oo lagu mgacaabi jiray:

  1. Suhuur Maxamed Ismaaciil 13 jir
  2. Marwo Maxamed Ismaaciil 8 jir
  3. Anas Maxamed Ismaaciil 5 jir
  4. Nimco Cabdi Ismaaciil 2jir.

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Hooyo Khadra Aadan Xuseen iyo Aabbo Maxamed Ismaaciil Xuseen, waxaanu madaxweynuhu u ducaynayaa hooyo khadra oo dhaawac ka soo gaadhay dabkaasi xalay in uu  Alle caafimaad sareecana siiyo.

Madaxweynuhu waxa uu qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtaasina Alle uga baryaya inuu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, Labada waalidna uu cawil celin khayr qabtana ugu bedelo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.” Sidaa ayaa lagu yidhi Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweyne Siilaanyo Carruurtaas Dabku galaaftay kaga hadlay.

Geesta kale, Aabbaha Dhalay Carruurtaas Maxamed Ismaaciil Daahir, ayaa Saxaafadda uga warramay sida Dabkaasi ku yimi iyo sida Guriga Carruurtu ku gubatay, Xaaskiisuna ku dhaawacantay u Shuf-beelay, waxaanu yidhi; “Shalay ayaan waxa Laydhka Guriga ku jiray Shoodh, dabadeedna intaan ka xidhay (Off-gareeyay), ayaan ku idhi inta Qolada Laydhku idiin imanayso ha iskugu dhawaanina. Dabadeedna Gabadha ayaa Galabnimadii u tagtay Shirkadda Laydhka, waxay ku yidhaahdeen waanu kaa daba imanaynaa ee iska tag, sidaas ayay Cadceeddu ku dhacday (Iyagoon u imanin).”

“Gabadhii iyo Carruurtii sidii bay ku seexdeen intay laydhkii shiteen, dabadeedna Gurigii wuxuu ka gubtay Xagga sare, iyaga oo hurda ayuu Dabkii ku soo daatay. Afartii Yaryaraa Meydkooda waalla waayay, iyadii baa Dirqi lagaga soo saaray, Carruurta Meydkooda ayaa laga soo saaray markii dabka la bakhtiiyey. Qolada Laydhka ayaan saarayaa Kiiska oo dhan, Maaddaama oo loo yeedhay oo ay Dumarka iyo Carruurta ka hagaajin waayeen Xadhkaha Laydhka.” Sidaa ayuu yidhi Aabbaha Carruurtaas geeriyooday dhalay Maxamed Ismaaciil Daahir.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.